Madaxweyne Siilaanyo Meeyey? Muxuu Guulwadayaashan Xadhkaha Goostay Uga Qaban Waayay Xisbiga Kulmiye

Madaxweyne Siilaanyo Meeyey? Muxuu Guulwadayaashan Xadhkaha Goostay Uga Qaban Waayay Xisbiga Kulmiye

 MAQAAL

Tan markii sanadkii 2010 la soo doortay Madaxweynaha Somaliland Mudane Ahmed Maxamed Siilaanyo, ayaa waxa saaxada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka baxayay Masuuliyiin  qayb weyna ka soo qaatay halkankii Xisbiga Kulmiye islamarkaana ahaa ragii kursiga ku fadhiisiyay Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kuwaas oo  ay garbiyeen ama booska ka riixdeen dad qurbaha ka soo yaacay ka dib markii Xisbiga Kulmiye Guuleystay,

Masuuliyiinta uu madaxweyne Ahmed Siilaanyo uu abaalkoodii inuu guddo iska daayee uu sharaftoodii ka qaaday isla markaa uu abaal laawe ku noqday waxa ka mid ahaa Gudoomiyihii ololaha Xisbiga Kulmiye ee Galbeedka Baashe Cabdi Gaboobe iyo walaalkii oo imika isaga iyo Wargeyskiisiiba la xidhay, Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cabdiraxman Cabdiqaadir oo isaga dartii dhabarka uga jabay, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo lagu eryay hantida ummada ee la cunayo maxaad u sheegtay, Boobe Yuusuf Ducaale oo xilka looga qaaday maxaad cadaalad u samaynaysaa iyo Masuuliyiin kale oo farabadan.

Haddaba Masuuliyiintan oo intooda badani ka soo jeedaan Beesha degta Waqooyiga Galbeedka iyo Oogada Hargeysa, iyadoo lawada ogyahay in Madaxweynuhu codkii ugu badnaa uu ka helay beesha ay Masuuliyiintani ka soo jeedaan islamarkaana aanu haba yaraatee soo baxeen oo aanu Madaxweyne Noqdeen, sababtoo ah Codadka uu ka helay Madaxweyne Siilaanyo Degmooyinka Hargeysa ee Koodbuur iyo 26Juun iyo Gacanlibaax waxay ka cod badnaayeen Gobolo dhan oo Somaliland ah iyadoo oo gobolka Gabiley uu isaguna ahaa mid codkiisa la ogaa.

Intaas oo dhan Madaxweyne Siilaanyo oo hore abaal laawe ugu noqday Masuuliyiintaa aan soo sheegey ayaa hadda waxa uu ku darsaday arin laga filey oo ah inuu Xisbigii Kulmiye uu ku soo daayo Niman Guulwadayaal ah oo aan danta Madaxweynaha iyo tan xisbiga toona wadin kuwaas oo maalin walba xasarad kula dhex jira Xisbiga Kulmiye, oo ay ugu dambeysay kuwii hurdada ka soo kacay ee Cadami Hogaaminayay ee yidhi waxaanu soo magacawnay Golaha dhexe iyo Guddiga Joogtada ah ee Xisbiga Kulmiye!!!!!!!!!! taas oo la yaab ku noqotay Taageerayaasha iyo hogaanka Xisbiga, iyadoo hore loo ogaa in shirweynihii Xisbiga Kulmiye laga qaban kari waayay Xubno ka mid ah Golaha Wasiiirada.

Haddaba waxaan leeyahay  Madaxweyne, Xisbiga Kulmiye waxa gudoomiye Rasmi ah u doortay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna ku dhawaaqay Gudoomiye Muuse Biixi  inuu Musharax yahay bulshada Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye way soo dhaweynayaan, sidaasi darted 10 sano ayuu Mujaahid Muuse Biixi ku barbartaagnaa ee maanta may ahayn inaad kolba Nin Wasiir ah oo aan awood u lahayn uu maalin walba buuq ku abuuro, waxaana fiican in aad runta u sheegto oo aad tusno inuu Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi cid aan ahayni aanay maanta meeshan Musharax ka noqon Karin ee ay tahay maalintii la taageeri lahaa, haddii kalana loo diyaargaroobo burburka Xisbiga Kulmiye, runtu fanto maahee Muuse Biixi iyo Taageerayaashiisa iyo deegaankiisuba diyaar umma ah in sanadkii 15aad ay caleemo saaraan Madaxweyne Siilaanyo ee waa inuu Madaxweynuhu runta xaqiiqsado si sharaf lehna uu Gudoonka iyo Musharaxnimada Xisbiga ugu taageero Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Mohamoud Osman Abdi

mccabdi86@gmail.com

Hargeisa Somaliland