Madaxweyne Waad Ku Faani Kartaa, Wasiirkii 2010 Mushaharkiisu ahaa ($800) Maanta Waa ($ 2,350). Laakiin Faan Kuu Noqonmayso Askarigii 2010 Mushaharkiisu Ahaa ($ 44) Maanta Waa ($ 106). Abdulqadir Mohamed (Cukaashe) Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda Ee Xisbiga UCID

Madaxweyne Waad Ku Faani Kartaa,  Wasiirkii 2010 Mushaharkiisu ahaa ($800) Maanta Waa ($ 2,350).  Laakiin Faan Kuu Noqonmayso Askarigii 2010  Mushaharkiisu Ahaa ($ 44) Maanta Waa($ 106). Mushaharka, Askariga, Wasiirka, Xildhibaanka iyo Garsooraha oo Shaxaysan, Muwaadin Yaa Dulman, Yaase Sadbursiimo Uusan Xaq Ulahayn Lagu Raray?: Cukaashe Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan warbaahinta Madaxa Banaan, waxaa kale oo aan salaamayaa shacbi weynaha reer Somaliland, waxaana ku salaamayaa salaanta Islaamka. ASALAAMU CALAYKUM WARAXMARULAAHI WA BARAKAATU: Waxaan aad iyo aad u saluugay qudbadii Madaxweyne Siilaanyo uu u  jeediyay labada Gole ee Guurtida iyo Baarlamaanka ee sanadlaha ahayd  markii ay taariikhdu ahayd 7/May/2014, run ahaantii qudbadaasi oo aan dhagaystay dhuuxayna, waxay u badnayd  hadal ka sooyeedhay Hogaamiye Riyo ku jira, oo aan wali xaqiiqsan xaalada shacabkiisu ku sugan yahay iyo waliba xaalada Dowladiisu ku sugan tahay.   Waxaa aad iyo aad ii soo jiitay qodab ka mid ahaa qudbadii Madaxweynaha, qodobkaas oo ahaa ama uu Madaxweynaha uga hadlayay Mushaharka Wasiirada, Askarta, Garsoorayaasha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka. Muwaadinka reer Somaliland-now waxaan halkan kuugu soo bandhigayaa shax muujinaysa Mushaharada uu Madaxweyne Siilaanyo ku Faanay in uu kordhiyay mudadii uu xilka hayay, isagoo markaa qudbadiisa ku sheegay sanadkii 2010 markii uu xilka la wareegay  halka ay maraysay mushaharada iyo maanta kororka uu gaadhsiiyay mushaharooyinkii  4 qaybood ee aan xaga hoose shaxda idiin galiyay. Hadalkii Madaxweynaha waxa qudha oo aan anigu ku daray waa Faraqa Kororsiimo, taasoo aan ula jeedo si muwaadiniinta reer Somaliland u fahmaan cida la dulmay iyo cida sadbursiimo aysan xaq u lahayn lagu raray, ujeedadaydana waxba idin qarinmaaye waxa weeye in Askariga Qaranka Somaliland Meesha Ku Dulmanyahay.             Askariga Qaranka Somaliland Mushaharkiisa 2010—to—-2014:  

Sanadka Askari Mushaharka SL.SH Mushaharka (US Dollar) Kororka (SL.SH) Kororka (US Dollar)
2010 Halka Askari 265.200 $ 44 —-  — —-  —-
2014 Halka Askari 636.000 106 370.8 $ 62

  Wasiirka Qaranka Somaliland Mushaharkiisa  2010—to—2014:  

Sanadka Wasiirka Mushaharka (SL.SH) Mushaharka (US Dollar) Kororka (SL.SH) Kororka (US Dollar)
2010 Halka Wasiir 4.800.000 $ 800 —— —–
2014 Halka Wasiir 14.100.000 $ 2.350 9.300.000 $ 1,550

Xildhibaanka Baarlamaanka Qaranka Somaliland Mushaharkiisa   2010—to—2014:

Sannadka Xildhibaan Mushaharka (SL.SH) Mushaharka (US Dollar) Kororka (SL.SH) Kororka (US Dollar)
2010 Halka Xildhibaan 2,526,000 $ 421 —– ———
2014 Halka Xildhibaan 8,125,000 £ 1,354 5,599.000 $ 933

Garsooraha Qaranka Somaliland Mushaharkiisa 2010—to—2014:

Sannadka Garsooraha Mushaharka (SL.SH) Mushaharka ( US Dollar) Kororka (SL.SH) Kororka (US Dollar)
2010 Halka Garsoore 2,097,800 349.6 ———– ———-
2014 Halka Garsoore 8,100.000 $ 1,350 6,002.200 1,000.4

Hadaba muwaadin marka aad eegto qudbadii Madaxweyne Siilaanyo ee uu Golayaasha ka horjeediyay qaasatan qodobka Mushaharooyinka waxaad ogaanayaa ama kuu cadaanaya in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo aad iyo aad ugu darantahay Shaqaalaha Danyar ah ah sida Askarta Qaranka Somaliland oo aad garan karto Qaranka Somaliland kaalinta ay kaga jiraan iyo Difaaca ay u taagan yihiin cadceeda iyo roobka una dhimanayaan sidii aynu u heli lahayn Nabadgalyo iyo Xornimo. Run ahaantii waan u  qaadan waayay in ninweyn oo siyaasi rugcadaay in uu warbixin sanadayd soo diyaarsado uu kusoo qorto ama ku faano dulmiga intaa la’eg ee warbixintiisa ka muuqata, waliba waxa xusid mudan, intaa yare e ciidamada loo kordhiyay waxay dhacday ama dadaal weyn galiyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi.   Sidaa darteed, waxa wax lala yaaba ah Mushaharada intaa lae’eg ee ay qaataan Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Garsoorayaasha oo ah xad dhaaf marka aad eegto tamarta Qaranka Somaliland,  marka aad eegto wax qabadkooda, ,marka aad eegto  nolosha shacabka Somaliland oo u badan danyar, muwaadin su’aasha aan ku waydiinayaa waxa weeye, waxa aad aragtaa dulmiga haysta Ciidamada Qaranka iyo Shaqaalaha hoose ee Dowlada oo u badan Dad danyar ah, maxaad u malay xaalada shacabka Somaliland ee iyagu ka dhursuga in Xukuumada Siilaanyo wax u qabato. Waliba taa waxa sii dheer Xildhibaanada Baarlamaanka Marka ay xilka ka dagaan waxay sii qadan doonaan Sanad Mushaharkood. ALLAA KARIIM.   Run ahaantii shacabkan danyarta ah Dowlad nimadoodii waxa u heshiiyay qowlaysato isbahaystay, shacabkuna dhibaatada waa ka qayb, sababtoo ah iyagii baa waxay u kala jabeen qabiilo, meeshana kama muuqato shacab isku duuban oo Dowlada la xisaabtamaya, ninka mucaaridka ahaa ee dhaliil sheegana waxa la oranayaa waa reer hebel oo reer hebel oo oo xilka haysta ayuu nacibyahay, Illaahay Ha Inoo Sahlo Wadada  Aynu Haynaa  Shacab iyo Dawladba Waa Wado Aan Quruxbadnayn Oo Qariban, Laakiin Waxa Soo Dhan Waxa U Aabo Ah Hogaan Xumo.     Abdulqadir Mohamed  (Cukaashe) Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda Ee Xisbiga UCID Laanta UK   warfaa_101@hotmail.co.uk    Â