Mar kale iyo Golihii Sacabka!

maqaal

Mar kale iyo Golihii Sacabka!

Waqtigii ay aheyd sharciyan in shir beeleedka Kulmiye ku qabsoomo

ayaan suurta galin khilaaf xoogan oo u dhaxeeyey hor boodayaasha ugu tunka

waaweyn taasi oo sababtey in dib loo dhigo ugu yaraan saddex ilaa afar jeer. Dib

u dhacyadaa faraha badani , ma aheyn xag farsamo ama dhaqaale;balse waxa

sal u ahaa, loolan siyaasadeed oo ka dhex taagnaa hogaanka sare.Wuxu dhawr

jeer Xisbigu qarka u gaadhey kala burbur. Kala qeybsanaanta hogaanka Kulmiye

wali waa halkeedii. Lama dhihi karo uu ka badbaadey burbur mar haddii shirkii

qabsoomey oo waxa la gaadhey xal kama dambeys ah. Halka sartu ka qudhuntey

iyo buugtiiba lama dhayin. Kalsooni la iskuma qabo; midiyihiisa ayuu mid kastaba

hoosta ku heystaa. Waxa kaliya ee ay ku heshiiyeen in aanu shirku mar kale dib

loo riixin oo dadka la tuso in uu qabsoomey. In Xisbiyada qaranku shirweyne

qabtaan waa sharci ujeedooyinka laga leeyahayna waxa ka mid ah:

1. In laga gudbo dawladnimo hab beeleed ku dhisan si aan adduunkana uga

helo tixgalin inoo horseedi karta ictiraaf caalami ah.

2. In xisbiyadu aaney noqon kuwo qof,koox ama beeli ku amar kutaagleyso oo

ninka la doono laga eryo isaga oo aan dambi galin ama an jabin sharciyada

xisbiga, sidii ku dhacdey Cabdiraxmaan Cabdulqaadir.

3. In si dimuqraadi ah ergooyinka shir weynuhu u doortaan hogaanka sare ee

xisbiga, Golaha fulint iyo Golaha dhexe inta u dhexeysa labada shir weyne.

4. Waxey aheyd, in shir weynaha lagu soo doorto Musharaxa madaxweyne/

M.xigeenka ee xisbiga uga qayb galaya taratanka madaxtinimada ay

axsaabta qaranku ku loolami doonaan.Qof kasta oo hunguri ka hayo

hogaaminta dalka u helo fursad ugu tartamo si xor ah xisbiga dhexdiisa oo

qofka ka guuleysta codka ergadu noqdo musharaxa madaxweyne/M xigeen

ee xibigiisa.

5. In sida dimuqraadiyadu tahey kuraasta hogaanka xisbiga ee gudoomiyaha,

k/xigeenada, fulinta,Golaha dhexe, Musharaxa madaxweyne iyo ku

xigeenkiisaba lagu tartamo oo lagu kala guuleysto codka ergooyinka shirka.

6. In xulitaanka Ergooyinka shirku waafaqsan tahey xeerka xisbiga. Hogaanka

sare iyo wakiilada xisbiga ee gobolada iyo degmooyinku soo xulaan.

Nasiib daro, waxa oo dhamba inta la iska laabey ayaa lagu noqdey

habkii Xisbigii Hantiwadaaga kacaankii Soomaliya ee aheyd in

inta liisaska guriga lagu qoro Golaha laga hor akhriyo sacabka u tumaan

doorasho lagu sheegi jirey.Hanti aad u badna sacab tunkaa ku baxeysey.

Shirkan Kulmiye, Miyaanu laba kacleyntii ama dib u soo if baxii X.H.K.S

u xuubsiiban? Sidoo kale, Liisaskii waa la soo diyaariyey, dadka tiro ahaan 1200

ah, magacyada laga hor akhriyey sacabka looma tumin.

Xubnihii damaca siyaasadeed lahaa, miyaan xaqoogii la duudsin lama

tartami kartaan dadka loo gartey, laguna qasbin in ay candhuufta dib u

liqaan.

Kharashka labadaa maalmood iyo sacab tunkaa ku baxey waa $1,000,000

waxa intaa sii dheer oo wax lala yaaba ah; Maxey keeney in qurba-jooga

fasaxa u yimid inta lagu soo casuumo u dabaaldega shirka loo qeybiyo

$500.00 aaney baahi u qabin! iyada oo dalka xaalad abaaro iyo roob la’aan

ka jirto, dadku gaajo iyo haraad u dhimanayaan. Qaar ka mid ah qurba

jooga waxa lacagtii u qeybiyeen masaakiinta suuqyada ka tuugsada.

Dabaaldega 18ka May ayaa wafuud look ala dirayaa dalal badan oo dibada

ah si ugula qeyb galaan xafladahaasi kharashka ku baxayaa dadka iyo

xoolaha ooman dhawr ceel u qodi laheyd. Jaaliyada Shafield hawshii ay

iskood u qabteen ayaa lacag aaney ka dalban wasiir jeebka loogu shubey

taasi oo markii ay sheegtey Haatuf dambi looga dhigey oo xuquuqdii looga

qaadey.

Hantida ummada ee sida xun loogu takri falayaa halkeebey ka timi,

miyeyna aheyn in baahiyaha dadka ee faraha badan wax lagaga qabto.

“ NINKA WAAN DUCEYSAN YIDHIYEE,UGU YEEDHEY KII HEYSTEY QADADEE, AN

U YEEDHIN, DARBI JIIFKA LA TIICAAYA BAAHIDA; DUCADIISU WAA BEEN.”

DAN YARE DAYACAN OO DIB U EEGTEY WAAYAHAA TIDHI:

Haddii aan ogahey In Dawladnimo Waartaba dan laga laheyn.

Haddii aan ogahey In aan damiirkiinu darajiyo doolar dhaafsaneyn.

Haddii aan ogahey I damaciinu daneysi gaara uu ahaa.

Haddii aan ogahey In dan ummadeed loo dagaalameyn.

Haddii aan ogahey In dastuurka iyo Diintaba xeerineyn.

Haddii aan ogahey In da’yarta iyo dumarkuba darxumoonayaan.

Haddii an ogahey In dulmi mooyee cadaaladiba jireyn.

Haddii aan ogahey In dawan iyo durbaan been ah noo tunteen.

Ma waayeen, diricyadii halgamey iyo agoonteyda Aabahood.

Ma waayeen,Duunyadaan hureen dawladnimo ku gaadh lahaa.

Ma waayeen waxaan xoolo iyo daar laheyn.

Ma waayeen dahab iyo wixii maal ii keydsanaa.

Eebaa caadiloo u gargaarin daalimkoo, isagaan magantiisa nahey.

Allaa Mahad Leh. Abdi Geireh.