Masuuliyinta Dawladda Hoose ee Burco Iyo Musqmaasaqii Mudadii Ay Xilka Hayeen Q/2aad

MAQAAL

Intiinii Akhrisatay Maqaalkan qaybtiisii hore waxaynu isku dul taagnay xoogaa hordhac ah

Ama ciwaan u ahayd maqaalkan oo socon doona intii aynu awoodno 
Hadaba waxaynu hore usheegnay dhawr arimood oo ay ka midtahay wadada GAHA iyo Waddo iyayadana La Jaray oo marta agagaarka dhakhtarka manhal
Sidoo kale waxaynu klu tilmaamnay inay jireen labao cagaf oo si sharci darro ah loo soo dhaafiyay 
Dekedda berbera oo aan wax cashuur ah laga qaadin laguna soo dhaafiyay inay dawlada hoose leedahay
Iyadoo ay rag ganacsato ahi iskood usoo iibiyeen 
Hadaba waxaynu waxaas oo dhan ku qaadaa dhigi doonaa inta uu maqaalkani socdo
Balse waxaynu ku daraynaa maanta arin kale oo kamid ah arimaha musqu ku jiro oo ah
Iskaraabkii ay dhawaan xaraashtay dawladda hoose oo aan ilaa hada meel ay mariyeen aan la hayn
Marka aad wax ka waydiiso cidda ka agdhaw dawladda hoose ay ku odhanayaan FULINTA ayaa arintaas 
Gaar utahay oo aanay cidkale war ka hayn iyagana marka la waydiiyo oo ay waydiiyaan
Xildhibaanaddu ay ugu jawaabaan inay lacagtoodii ay baanka taalo
Hadaba waxaynu maqaalkan si qoto dheer ugu daba geli doonaa waxayaabihii dhacay ee khaladaadka ahaa Intii ay xilka hayeen masuuliyintani iyo wixii FULINTU khaladay ee aan qarsoonayn 
Sidoo kale waxa jirta in ay iibiyeen cagaf uu soo iibiyay mayorkii hore Maxamud Axmed Dhega Laab
Taas oo uu ka soo iibiyaya Gabiilay soona siiyaya Lacag dhan 45000 oo dolar Bal maanta halkaas haynoogo Joogo Maqaalkau 
LASCO Qaybaha dambe
Qalinkii Sacad Cali Kaahin Raamalay [Sacad plucky