Maxaad ka ogtahay fadeexada ku xeeran shirkadan cusub ee ATA airlines

Maxaad ka ogtahay fadeexada ku xeeran shirkadan cusub ee ATA airlines

download

Waxaa dhawaan dalka lagu soo galbiyay wafdi ka socday  maamulka shirkadan cusub ee la yidhaa ATA airlines oo ay horkacayeen niman reer Somaliland ah iyagoo dalka iyo dadkaba ugu bushaaraynayay in ay ku soo kordhiyeen shirkad lagu raaci doono qiimo jaban lagana heli doono adeegyo suuban.

Haddaba waxaan rabaa caawa in aan qalinka  dul dhigo xaqiiqada shirkadan maadama ay geeska afrika baryahan danbe ay ku soo kordheen  budhcad noocya badan  oo ay gadhwadeen ka yihiin niman aynu saanta iyo muuqaalkaba wadaagno hase ahaate aynu kala fognahay damiir iyo dadnimaba.

Ugu horrayntii shirkadan la yidhaa ATA airlines waa shirkadaha nooca loo yaqaan (charter airlines) oo ah noocyada cid walba  kiraysan karto  oo dano gaar ah leh, sida xamuul (cargo) ama  adeega degdega ee ambulance ama ganacsi ahaan loo kiraysto dawlad iyo shiciba taas oo ka duwan diyaaradahan haatan aynu raacno oo loo yaqaan (individual aircraft seats) oo ku salaysan ganacsigoodu kursi iibis  (selling seats).

Xaruunta diyaaradan waxay ahayd (Indianapolis, Indiana). Markay taariikhdu ahayd bishii April labadeedii 2008  ayuu maamulkii diyaaradani buuxiyay kiis ah inuu kacay isagoo cuskanaya qodobka daryeelka 11 ee xeerka kicitaanka ama (fallaska) ee maraykanka sababtana ka dhigay khasaaro badan oo soo gaadhay. Shirkadan ATA waxay ka hoos shaqaysan jirtay (subcontracter) shirkada Fedex Express oo xamuul u qaadi jirtay ciidanka maraykanka. Duulimaadkii ugu danbeeyay ee ATA waxa u ahaa socdaalka lambarkiisu ahaa 4586 ee ka kacay Honolulu ilaa phoenix iyagoo dib uga dhacay waqtigii la rabay inay kacdo 2 saacadood. Sidaa darted waxay shaaca ka qaadeen in ay dhamaan joojiyeen wixii adeeg shaqo ahaa marka laga bilaabo 4.00 subaxnimo ee ay bishu ahayd 3dii April 2008.

Shirkad kale oo la yidhaa Southwest airlines ayaa ku iibsatay iyagoo wali ku jira qodobkii fallasaada ama kicitaanka ee 11 xeerka maraykanka qiimo gaadhaya 7.5 milyan doolar taas oo ay ku hantiyeen dhamaan wixii ay hanti lahayd (assets) oo ay ku jirto rukhsadii dhaqdhaqaaqo.

Waxaa halkaa ka cad in shirkadu amaah (debt) ku jirto oo aan loo ogolayn inay magaceeda ku shaqaysato. Sirta ugu wayn ee ay ka  damacsan yihiin inay ku shaqaystaan magaca qaranka Somaliland waa si ay ugu suurtagasho inay saamiyo ka iibsadaan kana ganacsadaan suuqyada saamiyada ee caalamka (stock exchange) ee London ama US ama si gaar ahaana suuqa saamiyada ee loo yaqaan AIM oo ay dhamaan ku jiraan shirkadihii shidaalka Somaliland iibsaday baloogyadooda.

Ha hilmaamin akhriste heshiiskii Somaliland iyo Somaaliya dhex maray dhanka hawada, taas oo shirkadan siinaysa saami ay kula gorgortanto qaybsigaas iyadoo matilaysa magaca Somaliland.

Haddaba Su’aashu waxay tahay miyayna ogayn masuuliyiinta horkacayay xaqiiqada shirkadan la doonayo in loo loodiyo hantida qaranka (Somaliland national carrier flag licence) ? Jawaabtu waxa weeyi way ogyihiin. Maahmaah carbeed ayaa tidhaa

وراعى الشاء يحمى الذئاب عنها     فكيف اذا الرعاة لها ذئاب

Mid kalana waxay  tidhaahda حاميها حراميها

Oo macnaha baytka hore ka dhigan yahay, ninka adhiga jiraa yayda ayuu ka celiyaa bal ka waran haddii yaygiiba noqdo ka adhiga jiraya. Macnaha odhaahda kalena waa la mid oo ah bal eesh qiyaaska haddii kii wax jir ama ilaali la yidhi yahay mid xaraami ah.

Waxaynu la soconaa in dalkii horor ooman kaga soo duulay dibada oo waxba ka qabsan kari waayay meelahay joogeen kuwaas oo  u hormood ka yahay wasiirka macdantu (waji-xun) oo hadda layskaba dhaafay booliga aan xadka lahayn iyo heshiisyada tirada  beelay ee u la galo shirkadaha dilaalinta ee aduunka. Waxa la soo xaqiijiay inuu hantidii  qaranka ku cadeeyay guryihii u daynta iyo ribbada kaga iibsaday maraykanka inta la ogyahay . marka wax lala yaabo maaha inuu dalka ku soo hogaamiyo dad noocisaha ileen shinbar shinbirkiisa ayuu la duulaaye.

Shirkadan waxa heeshiis gaar ah  la soo galay wasiirka duulista iyo ka macdanta (waji-xun) iyo  sidoo kale Mr Morgan (xidid ku xoolaw).

Waxaana xusid mudan in reer Somaliland ogaadaan in ninka la yidhaahdo oomaar ee shirkada matilayaa uusan ahayn ganacsadaha la yaqaan ee raashinka soo dejiyaa ee jaamac Omaar,  waa nin magacu ay kulmeen oo ka soo jeeda beesha Aadan madoobe ee u madaxwaynuhu ka dhasahay.  waa wajiga loogu  talo galay in lagu iib geeyo (PR) shirkada iyadoo laga dhigayo in nin ganacsata ahi keenay, hase ahaate xaqiiqadu arintaa ka fog.

Waxaynu ogayn dhibaatadii dadka ka qabsatay diyaaradii Air Jabuuti sanadku markuu ahaa 2011 ee markii ay dadka lacagtii ka soo gurateen  Hargeysana lagu daadiyay rakaabkii la waayay wax celiya.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in shacab waynuhu ogaado in loolankan hadda ka soo kordhay xisbiga kulmiye ee la rabo in madaxwaynaha lagu dhibo inuu sii hayo 5 sano oo kale uu salka ku hayo degdegsiga boobka hantida qaranka oo aan wali lays gaadhin . Qoladan wasiirka macdantu (waji-xun) oo hormoodka u yahay ayaa waqtigii cidhiidhi ku noqday markay ogaadeen in sanad hadhay taas oo aan lagaga wada gaadhsiin Karin fulinta dhamaan mashaariicdii imaaraatka lala soo saxeexday ee macdanta, dhuxusha, xadiidka iyo sidoo kale mashaariicdii shidaalka oo dhamaan baloogyada Somaliland 20 u ku qoray niman ay isku beel yihiin marka laga reebo 4 kaliya .

Madaxwayne Siraanyo oo ah (امره على مغلوب( nin laga awood batay  ayaa lagu qasbay inuu isagu kursiga magac ahaan ku sii fadhiyo inta la dhamaynayo hawsha (Mission) ee tolow miyanay hooyo Amina Waris dareen damqada lahayn oo aanay ogayn in xaajiga oo la dhibo lagu cadaab muto, Booli qarana lagu cidhib beelo. Aaway Siyaad Barre iyo tarankiisii ama diktaatooradii carabta iyo cawaaqib xumadoodii.

Cumar Cali 

cumarcali74@yahoo.com