Mid kamida madax dhaqameedka gobolka Awdal oo ka dhawaajiyay in odayaasha Beelaha Hawiye Muqdisho ku casuumeen iyo Somaliland oo wado halaq mareena noqotay!.

MAQAAL

id kamida madax dhaqameedka gobolka awdal oo ka dhawaajiyay in odayaasha beelaha hawiye muqdisho ku casuumeen iyo Somaliland oo wado halaq mareena noqotay!.
sida uu sheegay suldaan saleebaan cali oo kamid ah salaadiinta gobolka awdal oo saxaafa uga waramay in ay isla qaateen odayaasha muqdisha ka yimid ee kasoo jeeda beelaha hawiye inay muqdisho iyana ku casuumeen markooda sida ugu dhakhsaha badan ay iyaguna uGu tegeyaan kana aqbaleen casuumada loo fidiyay haday yihiin golha dhaqanka ee reer awdal! hore waxay xukuumada siilaanyo dabarka uga jartay xadhigii ku xidhnaa wada hadal siyaasadeed oo lala galo xukuumadaha laga dhiso magaalada muqdisho taasi waxay sawir khaldan ka bixisay aragtidii ay beesha caalamku ka qabtay jiritaanka Somaliland inuu yahay mid laga gorgortami karo!,
hada waxay Somaliland maraysaa inay noqoto wado halaq mareen ah waxa Somaliland ku sugan ogoyaal kasoo jeeda beel kamida beelaha dega koonfurta somaliya waxay ergo ka yihiin inay shacabka reer Somaliland ku qanciyaan midnimada somaliya inay dib ugu soo noqdaan waa siyaasad khatarteeda leh oo Somaliland ku keeni karta kala qaybsanaan dhinaca bulshada ka dhalata markii hore cida qudha ee wada hadalku u furaa waxay ahaayeen dhinacyada siyaasada kala hogaaminaya ee labada dal kuwaas oo dhowr shir ku kulmay inkasta oo aanay wax natiijo ah oo labada dhinac dani ugu jirto ka soo bixin hadana waxay ku ekaayeen wada hadaladaasi meeshii lagu kulmaayay shar iyo khayr waxay lahaayeen,

sida uu suldaan saleebaan ka dhawaajiyay waxay isla garteen hogaanka dhaqanka ee beelaha hawiye inay muqdisho ugu yimaadaan oo ay ku marti qaadi doonaan wanuna ka aqbalay ayuu yidhi hadii ay dhacdo taasi waxay horseed u noqon doontaa inay beel kasta oo Somaliland degen iyana muqdisho tagto iyada oo leh waxa namarti qaaday beelaha dhaqanka hawiye ama xukuumada xasan sheikh waxaanay horseedi kartaa furfur iyo kala qaybsanaan Somaliland ka dhacda,

siyaasadan khatarta leh ee xukuumada siilaanyo albaabka u furtay waa mid sifiican looga soo shaqeeyay oo aanay ka madhnayn gacan shisheeye markii Somaliland lagala quustay in hogaanka siyaasada u matelayaa aqbalaan siyaasada midnimada ayaa laysla qaatay in laga galo dhinaca beelaha maadaama oo umada somaliyeed dhaqanka iyo beeluhu ku wayn yahay oo ay weliba wax ku qaybsadaan si loo kala furfuro! lama garanayo inay xukuumadu arintan khatarteeda leh ilduufsan tahay iyo inay qayb ka tahay inkasta oo ay ka muuqato siyaasada xukuumada siilaanyo mid u debecsan isdhexgalka dhinaca siyaasada xukuumada muqdisho,

odayga afhayeenka u ah beelaha hawiye ee layidhaah xaad mabuu qarsan mowqifkiisa waxaanu yidhi isaga oo borame jooga oo laga waraystay aragtida uu ka qabo inay wax ka bedeleen midnimadii somaliya iyo inay ka qayb gelayaan 18 may dabaal degeeda wuxuu yidhi shacabka reer Somaliland ee aanu la kulanay waxaa aad nooga muuqday inay midnimada somaliya jecel yihiin wuxuu kale oo uu sheegay oday xaad inay ka cararayaan inay 18 may ay ugu soo gasho Somaliland iyaga oo jooga si aanay ugu khasbanaan ka qaybgalka dabaal dega 18 may!
waxaabu u arkaa oday xaad inay naftiisa iyo dadkii soo dirtay ee uu wakiilka ka ahaa ay danbi qaran ku tahay inay ka qayb galaan maalinta qaranimada Somaliland ku astaysan ee 18 may! wuxuu kale oo uu sheegay mar lawaydiiyay inay saxaafada caalamku qortay inay sidii ay dal shisheeye yimaadeen ay qariib noqdeen waxa uu yidhi oday xaad markaanu dalka soo gelaynay  wax fiise ah iyo baasaaboor toona manaan sidan ee sidii anu gobol somaliya kamida u dhoofayno ayaanu iska soo galay! taasina waxay kuu muujinayso inanu somaliya deegaan kamida joogno!

hadii ay aragtida odayaasha beelaha hawiye sidaas tahay waxay meesha la marayaan sow hagardaamayn iyo kala qaybin shacabka Somaliland uun maaha? sow lama odhan karo xukuumada siilaanyo ayaa iyana la qabta khiyaamada loo maleegay qaranka Somaliland?

Aadan Axmed Nuur