Mu,Asasada Al-Karam Oo Kulan Diini Ah Ku Soo Gabagabaysay Magaalada Hargaysa Ee Xarunta S/Land + culimo Badan oo Ka qayb galay Kulankaasi.

Mu,Asasada Al-Karam Ee Dacwada Iyo Horumarka Oo Kaashanaysa Ha,Ada Sama Falka Ee Gees Afrika Ayaa Soo Afmeertay Kulan Diini Ah Oo Labadii Maalmood Ee U Danbeeyey Ka Socday Xarunta Jaamacada Badar Ee Magaalada Hargaysa.
Kulankan Diiniga Ah Oo Ciwaankiisu Ahaa : ( Iskaashiga Ducaada Iyo Raadka Uu Ku Leeyahay Nabadgaliyada Bulshada ) Ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay Ducaad Aad U Fara Badan Oo Turadoodu Dhantahay Ilaa 60 Daaci Oo Ka Kala Socday Muqdisho, Bosaaso , Gaalkacayo,Xaafuun,Buuhoodle,Laascaanood,Burco,Ceerigaabo,Hargaysa, Boorama.
Kulankan Oo Aad U Qiimo Badnaa Ayaa Waxa Ka Mid Ah Culimada Ka Soo Qayb Gashay :
1- Dr Xasan Sheikh Cali Warsame
2- Dr Faysal Maxamed Cali
3- Dr Xasan Sheikh Cabdi Qaadir (Xasan Al-Basri)
4- Dr C/Shaafi Axmed Cali
5- Sheikh Axmed Maxamed Sulaymaan
6- Sheikh Xasan Khayre Dirir
7- Sheikh Faysal Cali Faarax
8- Sheikh Muxumed Warsame Dhurde
9- Sheikh Cusmaan Cali Xuseen
10- Sheikh C/Casiis Cali Xasan
11- Sheikh Maxamed Faahiye Ciise
12- Sheikh Ciise Maxamuud C/Laahi
13- Sheikh Shacbaan C/Laahi Axmed
14- Sheikh Maxamed Cali Geedi
15- Sheikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir
16- Sheikh Maxamuud (Abu Shayba )
17- Sheikh C/Qani Ow Saalax Cali
DSC00513
Sidoo Kale Ayaa Furitaanki Kulankan Waxa Ka Soo Qayb Galay Hadalana Ka Jeediyey Dad Aad U Fara Badan Oo Iskugu Jira Wasiiro Salaadiin Ugaasyo Ganacsato Kala Duwan Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Socday Xukuumada S/Land Waxana Ka Mid Ahaa Dadkii Ka Hadlay :
1-Wasiirka Owqaafta Sheikh Khaliil C/Laahi Axmed
2-Suldaan Maxamuud Guuleed
3-Suldaan Axmed Daahir

DSC01701

1- التعريف بالأمة المسلمة وأهم سماتها في القرآن والسنة
2- وحدة الأمة في الكتاب والسنة .
3- أهمية الوحدة وأثرها على المجتمع.
4- نصوص الكتاب والسنة الناهية عن الاختلاف والفرقة
5- إخبار النبي صلي الله عليه وسلم عن إفتراق الامة ودلالته
6- الأحكام الشرعية الخاصة بالأقليات المسلمة.
7- المذاهب المنحرفة والعقائد الضالة وأثرها في تفريق الصف .
8- قراءة في تاريخ بعض الفرق الضالة واثرها في تفريق الأمة
9- نماذج من بعض الدول الاسلامية التي مزقت الشيعة وحدتها واضطهدوا اهلها
10- بداية الافتراق في الأمة وأسبابه
11- معوقات وحدة الأمة المسلمة
12- أساليب تحقيق وحدة الصف
13 – دور العلماء والدعاة والمؤسسات والهيئات الاسلامية في تحقيق وحدة الصف
14- دور المشائخ والدعاة في تحقيق الوحدة.
15- الجهود المبذولة من المشايخ والدعاة المشاركين في تحقيق وحدة الصف
DSC00333
Guntii Iyo Gabagabdi Waxdii Kulanka (Multaqaha) Ayaa Waxa Laga Akhriyey War Murtiyeedkii Iyo Dardaaranadii Ka Soo Baxay Kulankan.
DSC00395
Dhanka Kale Isla Caawa Oo Jimce Ah Ayaa Mu,Asasatu Al-Karam Waxa Ay U Qabatay Ducaada Iyo Culimada Ka Kala Socday Goobaha Kala Duwan Kulan Casho Sharaf Ah Oo Lagu Sii Sabootiyayo Wufuuda Culimada Ah Ee Ka Soo Qayb Galay Multaqaha, Kulankan Oo Aad U Qiimo Badnaa Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Citycenter Oo Ku Yaal Badhtamaha Magaalada Hargaysa,
Kulankan Casha Sharafta Ah Ayaa Waxa Ugu Horaynba Kalmad Dardaaran Ah Ka Soojeediyey Sheikh Yuusuf Aadam Maxamed Oo Ka Mid Ah Culimada Waawayn Fadhigiisuna Yahay Magaalada Hargaysa , Sidoo Kale Waxa Ka Hadlay Sheikh Faysal Maxamed Cumar Gudoomiyaha Mu,Asasada Al-Karam Oo Iyadu Marti Galisay Kalanka, Waxanu Aad Ugu Mahad Celiyey Culimada Soo Gashay Safarka Dheer Soona Ajiibay Marti Qaadkii Ay U Fidisay Mu,Asasadu.