Musharaxa madaxwaynaha xisbiga ucid oo kulan la qatay Wasaarada Arimaha Dibada ee Uk ee u qabilsan Comms| Diaspora Outreach Lead( Daawo)

London 08May14(SM) Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga ucid mudane Jamaal Cali Xuseen oo ay ku weheliyaan xubna ka tirsan xisbiga ucid xoghayaha waxbarashada Fawsi Xaji Yusuf ,Xoghahya xibiga ucid  laanta Uk Mudane Cabdilaahi Cumar Shaqale  iyo xoghayaha garabka haweenka  Marwo Farduus Cige iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan uk, wafdiga musharaxa xisbiga mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa waxay la kulan baladhan la qateen  xubnaha u qaabilsan wasaarada arimaha dibada wadamada commonwealth ,waxayna ka wada hadleen sidii loo xojin laha xidhiidhka Somaliland iyo Boqortoyada Ingriiska gaar ahaan Dimuqradiyada iyo sidii , horumar looga gaadhi laha dhinacyada  caafimadka iyo Tacliinta,  tahriibta loogana hortagi lahaa. Waxay kalee  oo warbixin ka dhagaysateen xubnaha xisbiga ucid oo uu  hogaaminayo musharaxa Jamaal Cali Xuseen waxanay  balan qadeen sidii ay  dawlada Ingriisku uga cawin lahayd Doorashada soo socota.
Waxa kale ay is  la qateen sidii loo xojin lahaa tahriibta dhalin yarada waxa kale oo laysla soo qaday dhinaca Saxafada iyo xoriyatul qoolka .dhinaca Cafiimadka  in Somaliland u bahantahay in laga caawiyo Cudurada  Dilaaga ee ka jira wadanka. xisbiga Ucid ayaa noqonaya xisbigii u horey ee la kulma Wasaarada Arimaha Dibada iyo commonwealth taas oo loo arko in Jaaliyada Reer Somaliland  u arkaan inay tahay guul hor leh oo u soo hoyatay Somaliland siiba arimaha dibada oo hoos u dhac badani ku yimid  waxa kale  oo ay soo dhaweeyeen wasaarada arimaha dibada ee uk  sidii wax looga qaban laha Xoriyada Saxafada tababarona  loo siin lahaa Saxafada xorta ee ka jirta Somaliland taas oo si xogan uga hadlay Musharaxa Madaxwaynaha .Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen gabagabadii ayaa waxa u mahad celiyey Madaxdii wasaarada Arimaha Dibada iyo soo dhawayntii ay kala kulmeen iyaguna sidoo kale ayey ku farxeen xidhidhka wanagsan ee ay la yesheen xisbiga Ucid oo ku  tilmaameen xisbi cadaalad ku dhisan una mahad celiyeen Gudoomiyha Xisbiga Mudane Faysal Cali Waraabe
 
.
Halkan ka daawo Musharaxa Xisbiga Ucid oo ka hadlaya waxay is la qaten labad dhinac

https://www.youtube.com/edit?o=U&video_id=RvCJWkXLHqc

6 5 4 3 2 1