Musharraxnimada Mujaahid Muuse Biixi Oo Shacabku Siweyn U Soo Dhaweeyeen Iyo Jahawareer Ku Dhacay Xubno Wasiirrada Ka Mid Ah By-Mohamoud Osman Abdi

Musharraxnimada Mujaahid Muuse Biixi Oo Shacabku Siweyn U Soo Dhaweeyeen Iyo Jahawareer Ku Dhacay Xubno Wasiirrada Ka Mid Ah By-Mohamoud Osman Abdi

images (1)Tan iyo markii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi ku dhawaaqay inuu u taagan yahay Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo Mujaahidka ku hambalyeeyay sida Geesinimada leh ee uu u cadeeyay inuu u taagan yahay kursiga Dalka ugu sareeya,isla markaana uu kula tartami doono Jagada xataa haddii uu Madaxweyne Siilaanyo isa soo sharaxo.
Mujaahid Muuse Biixioo ah Nin hal adag isla markaana aan cidna uga baqin Fikirkiisa ayaa waxa uu cadeeyay in Xataa Madaxweyne Siilaanyo la tartami doono haddii uu Madaxweynuhu isa soo sharaxo.

Arintan ah inuu Madaxweyne Siilaanyo la tartamayo oo ah mid uu sharcigu u fasaxaayo ayaa uu Mujaahidku ku cadeeyay Mawqifkiisa Siyaasadeed, Arinkan ayaa waxa ka diday islamarkaana sas iyo jahawareer ka qaaday kooxo Guulwadayaal ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka Warfaafintu Dhukuse, waxayna Musharaxnimada Muuse Biixi u arkeen mid soo afjaraysa Guulwadayta ay la dhex taagan yihiin Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
Bulshada Somaliland gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, wakhtigan xaadirka ah diyaar uma aha in Madaxweyne Siilaanyo soo noqdo, sababo badan oo jira awgeed, sidaasi daraadeed taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, waxay si weyn ugu riyaaqeen islamarkaana gacmo furan ku soo dhaweeyeen Musharaxnimada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ah nin halgan dheer u soo galay Qaranimada Somaliland iyo dib u xoreyntii dalka.
Mujaahid Muuse Biixi oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye ayaa ah shaqsiga kaliya ee ugu ugu mudan inuu Jagadan Musharaxnimada isu soo taago wakhtigan xaadirka ah,

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo halgan dheer la soo galay Madaxweyne Siilaanyo abaal badana ku leh Madaxweynaha, Markaad eegto Go’aanka u qaatay ee ah inuu Musharax yahay Iyo taageerada balaadhan ee ay u Muujiyeen Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Iyo Bulshada Somaliland, ayaa waxa haboon si loo dhawro wadda jirka Xisbiga Kulmiye, in Madaxweyne Siilaanyo ka qaato Go’aan geesinimo leh oo uu cadeeyo islamarkaana xaqiiqsado in Wakhigani yahay wakhtigii ku haboonaa Mujaahid Muuse Biixi isla markaana uu barbar istaago sidiii uu Muuse Biixi shalay u barbartaagnaa.

Mohamoud Osman Abdi
Hargeisa Somaliland
Mccabdi86@gmail.com