M/weyne Wasiirku Xigeenka Amnigu Wuu Khalkhaliyaya Gobolka Saaxil ee Ku Bedel Agaasimihii Hore ee Kaluumaysiga C/raxmaan Cawil Si Xaalku u Degoii

image

Waxaa Tan iyo markii wasiir ku xigeenka amniga loo magaacabay C/laahi Abokor Cismaan ka taaganaa gobolka saaxil xasarad gudaha ah oo runtii khalkhal gelisay amaanka Taas oo aan lagaranayn waxa uga cabaya isku dirka iyo isku dilka reer saaxil
Waxa la wada ogyahay oo aan caad saarayn in beryahan dambe lagu eedaynaayay wasiir c/laahi arimmo Fool Xumo ah oo ay kamid tahay toogashadii soo noqnoqoa ee lagula kacay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo caruurtiisa oo sida la ogyahay tii ugu dambaysay hal qof-na ku geeriyoodday wiil uu Xildhibaanku Dhalayna u jiifo dhaawicii soo gaadhaay hadaba Mudane M/weyne su.aashu waxay tahay maxay Xukumadaaddu u dugsanaysaa masuulakan reer saaxil sidda fiinta uga qayliyeen fidmadiisa
Si marka loo eego waxaa soo baxaysa in ay xukumaddu raali ka tahay amma ay ku daba fadhiddo
Hadaba waxaan soo jeedinayaa madaxweyne in aad ninkaas naga bedesho oo aad noogu bedesho nin waayo arag ah dadkana isku waddi kara sidda aan aan ciwaanka ku xusayna C/raxmaan Cawil Xasan Waa Agaasimihii hore ee wasaarada kalumaysiga waxanan u xushay maaha nin jeclaysi ee waa sababahan
1]Marka hore waa nin waayo arag ah
2]Marka xigta kursiga ayuu xaq u leeyahay macnaha beel ahaan
3]Waa nin isku wadi kara guud ahaan bulshadda gobolka saaxil iyo ta reer S/land-ba
Hadab madaxweyne adigoo ka fikiraya godobta ay sumcadaada ku reebi karto karaamo darada C/lahi Abokor iyo colaada adiga iyo reer saaxil ee ka iman karta iyo banaanaata hawshii aad u igmatay ee Qarankaba waxaan kuu soo jeedinayaa inaad arintaas hoos u eegtid
waa bilaahi tawafiiq
by Sacad Cali Kaahin [Sacad plucky]