“ Ninna Wiilashiisa Rag kale ma Siiyo!”

            maqaal

 “ Ninna Wiilashiisa Rag kale ma Siiyo!”

     Saaxiibada runta ahi waa kuwa kalsooni iyo is aaminaad qoto dheeri ka dhaxeyso. Waa kuwo wax kasta oo la sameeyo aan la kala dhex gali Karin.

Saaxiibkaaga runta ah waxad kaga kalsooni badan tahey oo aad ku aaminto ama ku qarsato sirahaaga. Saaxiibtiinimadu waxay ilaa xadkaa is aaminkoodu gaadhaa,

Marka ay isla soo maraan xaalado wanaagsan iyo marxalado dhib iyo qadhaadh badan soo wada martaan. Saaxiibada runta ahi NAFTIISA waa u kuu huri haddii aad khatar ku jirto uu kula dhiman; waxa kaliya oo aaney sinaba iskugu horeyn ama isa siineyn waa xaaska(naagta), ama caruuta ay dhaleen.

    Haddaba, Xisbiga Kulmiye waxa abuuristiisa lahaa Mr. Siiraanyo; wuxu ugu magic dhigey wiilkiisa. Muuse Biixi iyo intii kale ee la soo barbaaariseyba waxey ku tacbayeen korinta iyo barbaarinta caruur aaney dhalin oo aan suurtagal aheyn in ay marna caruutooda noqon karaan.

    Sidaa daraadeed, Kulmiye waa ina Siilaanyo. Ninka, u heysta in uu yahey xisbi la wada leeyahey, waa nin gurcud gudaya, “Nina Wiilashiisa Rag kale ma siiyo”.

                   

 ALLAA      MAHAD    LEH

      Abdi Geireh