Odayaasha beelaha Hawiye ee Hargeysa yimid ma geel beesha Isaaq ka sooqaaday ayay ergo ka yihiin mise qaranka Somaliland ayay ergo kayihiin!,

MAQAAL

Raar xamarka ayaa waxay ku maah maahaan cimrigaaga oo dheeraada geel dhalayaana waa ku tusaa! waayo geel baanay dhaqan, tan iyo intii madaxweyne siilaanyo talada dalka la wareegay waxa hoos u sii dhacaayay siyaasadii iyo meeqaamkii beesha caalamku ka qabtay qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland taas oo keentay in maalin walba qaranka Somaliland lagu dayo wax aan suurto gal ahayn, 

tan iyo intii xukuumada siilaanyo ogolaatay in ay wada hadal la yeelato xukuumadii sheikh shariif madaxda u ahaa waxa loo qaatay in Somaliland kasoo dabacday mowqifkeedii ahaa inay tahay qaran madaxbanaan oo ay suuro gal tahay in laga wada hadli karo jiritaan keeda! waxa bilaabmay wada hadalo aan laga gaadhin waxa natiijo ah oo ay kala hogaaminayeen marba wasiirka wasaarada arimaha debeda u jooga xukuumada Somaliland iyo wasiirka arimaha gudaha ee somaliya taas oo markaasba loo arkay dhinaca siyaasada in Somaliland loola hadlaayo sidii gobol somaliya ka mid ah mar hadii uu dhinaca somaliya wasiirka arimaha duduhu u matelaayo ergeda shirka ka qaybgelaysa!,

meesha sirka lagu qabanayay waa dowlada turkiga oo aaminsan midnimada somaliya inay tahay lama taabtaan oo guud ahaan danta ay somalida ka leedahay tahay mid qudha, xukuumada siilaanyo shirarkaas isdabataagnaa waxa natiijo ah oo danta Somaliland kujirto  kamay keenin xasuuqii umada reer Somaliland lagula kacay ee aduunku ogaa way ka tanaasushay waxanay kusoo bedelataya in aan xasuuq jirin ee umada Somaliland loola dhaqmay si axmaqnimo ah! taasina waxay dhulka sii jiiday meeqaankii Somaliland taagnayd markii hore marka laga eego dhinaca siyaasada caalmku ka qabeen,

waxay Somaliland noqotay wado halaq mareena oo waxba lagala xishoon waayo siyaasadu waa tuhun iyo dareen ilaahay kusiiyo hadii aad iska qaado oo aad is qaawiso cid kastaaba way kuusoo hunguroon waxaana umad siyaasadeeda hoos u dhiga ama kor u qaada oo meel sare gaadhsiiya hogaanka markaas talada haya, 

heerka ay gaadhay maanta siyaasadii Somaliland xasan culusow oo madaxweyne somaliya ka ah inuu odoyaal beeshiisa ah soo ururiyo oo Somaliland u soo diro sidii geel laga soo qaaday oo ay ergo ka yihiin waa wax lala yaabo! Somaliland qolo ay gaashaan buur ay ahaayeen oo magtu ka dhaxaysay kamay bixin oo kamay cadhoon ee waxay ahayd qaran isaga oo xornimo ka qaatay gumaystihii ingiriiska oo xor ahaa kuna biiray dhinacii koonfurta somaliya oo sidaas kula midoowday,

waxa iyana wax lala yaabo ah shalay ayuun bay ahayd markii madaxweyne siilaanyo qudbada sanadeed kiisii ka jeediyay labada gole qaran ee uu ku duray xukuumada madaxweyne xasan culusow ee uu ku sheegay inaanay jirin wax xidhiidha oo isaga iyo xasan culusow ka dhaxeeya oo aan ahayn tahniyadii uu u diray markii loo doortay xukunka somaliya waxaanu ku sheegay nin yar oo aan siyaasada u bislayn kuna fashilmay hadalkaasi markuu kasoo baxay madaxweyne siilaanyo waxa xigtay ergedan 50 qof ee kasocota xukuumada xasan culusow oo ka kooban beel qudha oo koofurta somaliya degta! maxaa isku soo beegay hadalkii madaxweyne siilaanyo goloyaasha u jeediyay iyo ergeda beelaha hawiye hadii aan xidhiidh labada dhinac jirin?! 

hadii ergadani iskeed u socotay oo aanay xukuumada Somaliland ka war qabin maxaa saxaafada dalka looga qariyay si loo waraysto oo loo waydiiyo waxay u socdeen iyo cida soo dirtay ee ay wakiilka ka yihiin? waxaan leeyahay Somaliland wax gunti la geliyo kaweyn oo qof ama koox ama qabiil qudhi tahriibin karo! waxay ku timid oo ka dhalatay rabitaanka shacabka cid wax ka badeli kartaana ma jirto, beel qudha oo kelideed wax ka go-aana ma jirto waa qaran ka kooban beelo badan iyo deegaano badan kuna midaysan qaranka Somaliland, somaliya iyana waa sidaas oo kale beel qudhina wakiil kama aha mana matesho waa beelo balaadhan oo ku midaysan qaranka somaliya wixii intaas ka sokeeya wax ayaa ka dhiman oo waa qabyo waxaal leeyahay wax umada Somaliland u cuntamayn yaan lagu dayin.

 khuurshe11@hotmail.com

Aadan Axmed Nuur