Odaydaasha Burco ka hadlay, Ma matelaan Beesha Galbeedka Burco.

unnamed

Odaydaasha Burco ka hadlay, Ma matelaan Beesha Galbeedka Burco.
 
Marka hore waxaan halkan ka salamaya dhamaan bulshada reer Somaliland guddo iyo dibedba, sidoo kale waxaan salamaya warbaahinta madax banana, intaas ka dib, marka hore waxaan halkan ka canbaaraynayaa afarta afmiishaar ee waji ku macaashka ah ee sheegtay inay afka galbeedka beesha burco ku hadlayaan ee hadalka taageerada madaxtinimada silaanyo la soo dhex fadhiistay aqalka martida ee magaalada burco ee u soo abaabulay badhasaabka burco, waxaan leeyahay afkiina oo keliya ayaad ku hadasheen ee kuma hadli kartaan afka beesha galbeedka burco, waayo waxaad tihiin damiirlawayaal oo aan xil dhaqan iyo mid siyaasadeedba reerka u hayn oo iska ciyey. Waxaan u sheegaya bulshada Somaliland in beesha galbeedka burco aanay qeyb ka ahayn hirdanka siyaasadeed ee xisbiga kulmiye ka dhex jira, dhinacna aanay la safanayn , shuqul iyo shaqo toona ku lahayna.
 
Ugu danbeyntii, waxaan xukumada silaanyo ee ku caan baxaday weji ku macaashka, qabyaalada, eexda iyo qaraabo kiilka inay joojiso fidnooyinka ka soo burqanaya ee akhlaaqadii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee bulshada Somaliland ay ku sadhaysay. sidoo kale, waxay Xukumada silaanyo ay dhamaanba tir tirtay haykalkii dawladnimo, kii sharci iyo dastuur ee u yaalay dalka , waxay hilfaha u laabtay golayaashii sharci dejinta, garsoorka, iyo xisbiyadii mucaaridka iyo xisbigeedii kulmiye oo ay hadda gacanta kula jirto kale firdhintiisa.
 
Haddba, waxa bulshada inta samaha jecel la gudboon in ay u diyaar garooban in codkii lagu saaray kursiga lagu soo dejiyo xukumada siilaanyo doorashada soo socota, oo la dhageysan guulwadayaasha, iyo kuwa weji ku macaashka ah ee dalqada ka hadala ee dalka guud ahaan ay xukumada siilaanyo ka soo abaabusho si ay muraadkeeda ugu fushato.
 
 
Said A dualeh
Bristol, UK