Odaygii Indha Beelay Iyo Wiilkii uu Dhalay ee Geedka Kaga Hoos Tegay Kulmiye-na Sidoodii

maqaal

Waxa sheekadan la yidhaahdaa geedkaa igu sii sug beri waxa jiray nin xoolo
Badan leh oo oday ah isla markaana waxa uu dhalay hal wiil oo keliya oo
Madiya dabeed odaygii ayaa indho beelay maalintii dambe ayaa reerkii guuray
Amma hayaamay kolba sida loo yaqaano dabeed wiilkii ayaa waxa uu soo Kaxeeyay odaygii aabaha u ahaa markuu xoogaa soo waday ayuu intuu geed hoos Fadhiisiyay kuyidhi aabo sii fadhi halkan waan kugu soo noqonayaaye.


Wiilkuna waxa uu damacsanyahay inuu xoolahan tirada badan iska maamusho oo
Uu ku guursaddo odaygana ay halkaas ugu dhamaato waanu iska tegay ileen
Wuu ku talagalay falkane odaygiina halkii ayuu ku dfhintay
Hadaba wiilkii ayaa waxa uu xoolihii iska wataba waa uu guursaday isaguna sidii
Si leeg waxa uu dhalay hal wiil sidoo kale xoolihiina kamay dabar go.ine waa
Sii dhaqnaayeen mudo waxa uu reerkii iska wataba berigii dambe ayuu gaboobay Isagiina waanu indha beelay dabeed maalintii dambe ayaa waxa guuray reerkii
Dabeed waxa kaxeeyaya wiilkiisii isna markay meel marayeen ayuu ku yidhi Odaygii ee aabo geedkaa sii fadhi waan kugu soo noqonayaaye sidii si leeg
Dabeed odaygii wuxuu ugu jawaabay wiilkiisii waar orod anigaa og oo igu Soo Noqon mayside reerkaaga iska kaxayso ileen waa nin og wixii uu isagu aabihii
Ku sameeyaye isna waxa uu rumaystay inay lugta lugteedii tahay isna halkii Ayay Ugu dhamaatay hadaba waxan ugu socdaa qoladan kulmiye UDUB ayay geed Hoostii kaga tagtay iyagan imika waxa geedkii hoostiisa kaga tegaaya WADANI
Balse iyagu waxay ogyihiin inaan lagu soo noqonayn oo ay geedkaa hoostiisa
Ugu dhamaanayso ileen waa wixii ay hore iyagu usoo sameeyeene

by Sacad Cali Kaahin [plucky] Qalin Ku Difaac Gruop