Ogaysiis jaaliyada finland:- Xuska 18 may ee dalka finland waa malinta Axda ee 18.05.2014, ha ka maqnaan

finland

OGEYSIIS: Dabaaldegga 18 May 2014Guddiga Jaaliyada  Somaliland ee  dalka Finland , waxa ay ogeysiineysaa dadka reer Somaliland  ee  deggan wadankan Finland, In munaasibaddii dabaaldegga Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland  18ka May.  La qaban doono isla maalinta 18 May 2014. oo ah Maalin axad ah. Munaasibadda Sannadkan waxa inagala soo qaybgalaya wefti Heer qaran ah, sidaa darteed waxaa lagu adkaynayaa dadka reer somaliland ee Finland in la dhawro waqtiga-si aad ahna loo muujiyo qiimaha maalintani u leedahay.
DABAALDEGGA WAXAA LAGU QABANAYANAA:
GOOBTII KAL HORE.
CINWAANKA:  Arabianpolku 1A2, 
MAGAALADA: 00560 HELSINKI

SAACADDA: 15:00-21:00 (saddexda galabnimo ilaa sagaalka habeenimo)
Munaasibadda waxaa lagu soo bandhigayaa banaamijyo kala duwan oo loogu talagalay xuska maalinta qarannimada JSL kuwaasoo khuseeya dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.Munaasibadda waxa  daba socda  qoraalo iyo fariimmo loo gudbin doono madaxda dalkeena labaad ee Finland kuwaasoo lagu taageerayo Qaddiyadda Ummadda Somaliland.
F/G. Hore u soo qaado astaanta dalkaaga (Calan , Bilad ama Jeeniqaar), 
iyo wixii kale ee astaan muujinaysa dalkaaga.
Jaaliyadda Somaliland ee Finland
Nokiatie 2-4,3krs   00510 Helsinki
tel. 3589753477
somaliland.seura@kolumbus.fi