OGEYSIIS: Dabaaldegga 18 May 2014 ee Sweden

OGEYSIIS: Dabaaldegga 18 May 2014

18 May 2013 Photo

Guddiga Jaaliyada Somaliland ee gobolka Somaliland , waxa ay ogeysiineysaa dadka reer Somaliland ee deggan wadankan Sweden, In munaasibaddii dabaaldegga Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland 18ka May. La qaban doono isla maalinta 17 May 2014. oo ah Maalin sabtida ah. Munaasibadda Sannadkan waxa inagala soo qaybgalaya wefti Heer qaran ah, sidaa darteed waxaa lagu adkaynayaa dadka reer somaliland ee Sweden in la dhawro waqtiga-si aad ahna loo muujiyo qiimaha maalintani u leedahay.

DABAALDEGGA WAXAA LAGU QABANAYANAA:

CINWAANKA: waa Röslätt, Linnesal
MAGAALADA: Jönköping

SAACADDA: 09:00 PM -02:00 AM (sagaalka fiidnimo ilaa 02da subaxnimo

Munaasaban waxa inaga soo qayb gelaya Jaraaidka gobolka kasoo baxa qaar ka mid ah sidoo kale waxa imanaya masuuliyiin Swedish ah, iyo shacab kale oo ka socoda dalal kale. Sidaas awgeed waxa aan kaa codsanayaa in aad waqtiga ilaalisaan.

Waxa kale oo iyana inaga soo qayb geli doonta masuuliyiin ka tirsan saddexda xisbi qaran ee dalkeena. Sidaas awgeed waa in aad waqtiga ilaalisaan.

F/G. Hore u soo qaado astaanta dalkaaga (Calan , Bilad ama Jeeniqaar),

iyo wixii kale ee astaan muujinaysa dalkaaga.

Waxii kale ee faafaahin ah kala soo xidhiidh

  1. Hussein Wadadyare  guddoomiyaha Jaaliyada tel. 0700789340

  2. Sheikh Mohamoud  Ismaciil Khayre  guddoomiye ku xigeenka  tel. 0729688192

  3. Garabka Haweenka Sahra Hussein tel.0735680613