Puntland oo ka hadashay ninkii Kenyanka ahaa ee xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

NEWS N

Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka hadleen dil xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Macalin Kenyatti ahaa oo Barre ka ahaa ahaa Machadka (Vision International College) ee Magaalada Galkacyo.

Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland Yacquub Maxamed Cabdala oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay in rag hubaysan macalinka ay xalay ku toogteen afaafka hore ee Machadka uu macalinka ka ahaa Durbana halkaasi uu ku geeriyooday.

Macalinka Kenyatiga ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Keneth Mwanga oo 50-sano jir ah, waxaana Magaalada Gaalkacyo uu tagay sanadka markii uu ahaa 2013, markii uu ka tagay dalka Kenya.

Yacquub Maxamed Cabdala Guddoomiye kuxigeenka Degmada Gaalkacyo, ayaa la su’aalay inay suuragal tahay dilka macalinkaan loo geystay inay xiriir la leedahay raafka Dowladda Kenya ay ku hayso Soomaalida Islii ku sugan, xilli muddooyinkaan dambe Dowladda Kenya ay waday qab-qabashada dadka Soomaalida ah.

Wuxuu ku jawaabay ilaa hada inaysan ku deg-degi karin dilka Macalinkaasi in loo sababeeyo Raafka Soomaalida Kenya lagu haayo, balse laamaha ammaanka Puntland ee qeybta Gaalkacyo ay wadaan baaritaan arintaasi ku aadan oo ay ka war dhowrayaan natiijada Baaritaanka.

Yacquub, ayaa intaasi ku daray in Deeganada Puntland ay ku sugan yihiin dad badan oo Ajaanib ah kuwaasi oo la shaqeeya Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’ado kale oo gaar loo leeyahay, waxaana uu sheegay in dhamaan xubnahaasi ay si nabadgalyo ah ku joogaan Gaalkacyo.

Dilka markii uu dhacay xalay kadib ciidamada ammaanka Gaalkacyo, ayaa waxa ay sameeyeen howlgal ballaaran oo lagu soo qab-qabtay dad badan oo ka agdhawaa goobta dilka uu ka dhacay, kuwaasi oo hada lagu haayo Saldhiga Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.

Salaanmedia/Mogdisho