Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqday In La Kordhiyo Taageerada Soomaaliya

Nicholas-Kay-ergeyga-gaar-ka-ah-ee-Qaramada-Modoobey-u-qaabilsan-arrimaha-SoomaaliyaMay 09,2014 Muqdisho(SM)Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa hey’adaha Caalamka ugu baaqay inay kordhiyaan taageerada dhinaca gargaarka ee Soomaaliya, si gurmad beni’aadanimo loola gaaro dadka ay biyo la’aanta saameysay.

Nickolas Kay Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday inay jirto xaalado beni’aadanimo oo deg deg ah oo u baahan in wax laga qabto, isagoo xusay in hay’adaha deeqda bixiya looga baahanyahay sidii ay uga jawaabi lahaayeen meelaha xaaladaha deg dega ah ay ka jirto.

Mr kay ayaa hoosta ka xariiqay in carruurta iyo dumarka ay yihiin kuwa ugu nugul ee ay dhibaatada ku habsato una baahan inay helaan adeegyo caafimaad iyo cunto, waxaana uu codsaday in sida ugu dhaqsiyaha looga jawaabo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa meelaha ay dhibaatada ugu daran ka jirto.

Salaanmedia/Hargaysa