Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu ku lug lee yahay dagaalka Degmada Beled Xaawo

NEWS N

Culima’udiinka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ku eedeysay in uu ku lug lee yahay, dagaalada soo noq noqday ee ka dhacaaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-qaadi), ayaa ku waramaaya in Ra’iisal Wasaaraha uu si toos ah ula saftay Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Afhayeenka, ayaa intaa raaciyay in Maamulka Jubba iyo Ra’iisal Wasaaraha, ay C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) u wakiisheen in uu dagaal ka ooggo buu yiri Degmada Beled Xaawo.

Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq, ayaa sidoo kale sheegay Ra’iisal Wasaaraha markii ugu dambeysay ee uu tagey Magaalada Addis Ababa, in ay isku soo arkayn C/rashiid Janan, isla-markaana uu Itoobiya ugu baaqay in ninkaasi la taageero.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Xuseen, ayaa qeexay maalmo ka hor in diyaarad hub u siday C/rashiid Janan ay ka caga dhigatay Degmada Doolow, si uu dagaal kaga geysto buu yiri Degmada Beled Xaawo.

Al-qaadi oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya dusha ka saaray in uu masuuliyadeeda qaadi doono, wixii dhiig ah ee ku qubto dagaalada Degmada Beled Xaawo iyo gebi ahaanba Gobolka Gedo, haddii kalana uusan faraha kala bixin waxa uu ka wado buu yiri Gobolka.

Al-qaadi, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu yeeray in uu dib u heshiisiin u qabto Ummada uu ka soo jeedo, kana daayo buu yiri inay hubka isku qaateen, isna dilaan dhexdooda.

Dagaalkii maanta ka dhacay Degmada Beled Xaawo, ayaa sababay dhimashada 12 ruux iyo dhaawaca tiro kaloo intaa ka badan, iyadoo ay jiraan guryo dhowr ah oo ku gubtay Beled Xaawo, intii uu dagaalku ka sii soconaayay.

Dad badan, ayaa maanta ka cararay guryahooda intii ay xabadu ka soconeysay Degmada Beled Xaawo iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.

Ciidamadii ka yimid Degmada Doolow, ayaa caawa ku hooyanaaya Deegaanka Tuulo Amiin, oo qiyaastii 6km u jirta Degmada Beled Xaawo, markii maanta dagaal culus looga soo saaray Beled Xaawo.

Salaanmedia/Mogdisho