Reer gabilayaw soo laydiinma taagwaayin

Reer gabilayaw soo laydiinma taagwaayin

MAQAAL

Waxaan xasuustaa bayt carbeed oo u tiriyay nin la odhan jiray zuhair bin abu salma. Baytanka oo ka tirsan gabay dheer oo u kaga waramayo waayaha aduunka isagoo waqtigaa sideetan jirsaday noloshiisa ayaa wax kamid ahaa bayt odhanaya  
وَمَنْ يَجْعَلِ المَعْرُوفَ فِي غَيْرِ أَهْلِـهِ  

يَكُـنْ حَمْـدُهُ ذَمـاً عَلَيْـهِ وَيَـنْـدَمِ

Iyadoo macnaheegu ka dhigan yahay nin kaste oo macruuf u sameeya cid aan ehel ama u qalmin, wanaagiisu ama mahad celintiisu waa cay iyo xumaan kaga soo noqota iyo murugu u ku danbeeyo.

Waxa u baytankan carbeed si fiican iigu sawiray xaalada reer gabilay gaar ahaan iyo waxa u noqday mahad celintii ay ka heleen doorashadii ay doorteen madaxwayne siiraanyo.

Iyadoo taariikhdu dhigayso sidii mugga lahayad ee ay reer hargaysa guud ahaan iyo reer gabiley gaar ahaan ugu hiiliyiin siiraanyo markuu muddo ka badan sideed sano ku dul meehanaabayay dawladii in Rayaale oo dhaqaalihii beeshiisu ku dhamaatay ka hor intii aan loo gurman ayaa waxa qurux badan in aynu milicsano bal sidii dawladan ay gadhwadeenka ka yihiin caga baruurka saaxada siyaasada ku cusub  ee aan aqoonta u lahayn anshaxa dawladnimo iyo maarayn ummadeed midkoodna  ugu abaal gudeen dadkii wax  ka dhigay ee indhaha u furay.

  1. General Nuux Taani, Iyadoo aanay marnaba suurtowdeen inuu kursiga manta ku fadhaysto siiraanyo hadii aaanu Nuux Taani ahaan lahayn taliyaha ciidanka qaranka oo si cad uga horyimid madaxwaynihii ina Rayaale kana diiday in la musuqmaasuqo doorashadii ayay taasi hirgalisay inuu madaxwaynahani hanto kursiga ugu sareeya. Waxaa la ogaa in ninkii libintaa u soo hooyay kursigisii ku waayay xilkii arrin aan marnaba ka suurtoobin oo oday ka soo yeedhay Dila dartii looga qaaday xilkii qaran ee u hayay.

  2. General jidhif. Oo ah general kale oo reer gabiley ah ayaa mudda ka yar saddex bilood ku waayay shaqadiisii oo lagu eryay si aan anshax iyo xushmadi ku dheehnayn.

  3. Boobe yusuf Ducaale oo ah Mujaahid, aqoon yahan kana mid ah haldoorka Somaliland, gabayaa, taariikhyahan, qoraa caan oo isaguna ka soo jeeda gabiley oo hayay xilkii ugu haboonaa aqoontiisa oo ahayd wasaarada warfaafinta ayaa isaguna aan ka danbayan halkii tolkii lagu sadqeeyay oo warqad eryid ah uu kursiga ugu geeyay ninka loo yaqaan Morgan (xidid ku xoolaw) taas oo ka dhalatay markuu ka hor yimid inuu talo u hoos fadhaysto Hersi iyo cago baruuryada kale ee ku xeerasan madaxwaynaha

  4. Faysal ciise Kamil, oo ahaa mujaahidkii u taagnaa ilaalinta ciidanka madaxtooyada oo haba yaraatee wax dhaliila ah aan loo soo gudbin oo la xidhiidha xil gudashadiisa ayaa isaguna tubtii kuwii hore maray  jaanta qaaday kol haddii u yahay reer gabiley. waa caadigeedii oo aan ceeb lahayn ee ka sii huluul duca qabe.

  5. Abiib Diiriye oo ah isaguna nin ka soo jeeda Gabiley ayaa isaguna isagoo ku maga caaban la taliyaha siyaasadeed ee madaxwaynaha ayaa si sharaf dhac ah inta gurigiisii laga kaxeeyay jeelka la dhigay oo halkaa u kujiray in muddo ah. Waa dullayn kale oo loo gaystay reer gabiley ee la soco

  6. Dr Mohamed Abdillahi Cumar oo ah aqoon yahan ka soo jeeda reer gabiley oo lagu tilmaamo ninkii madaxwaynaha gaar ahaan iyo xisbiga kulmiye guud ahaanba indhaha u ahaa oo meel kaste aduunka gaadhsiiyay. sidaan ka warqabnana la kulan siiyay madax sare oo ka tirsan yurubta iyo maraykanka oo madaxwaynuhu nidar ku maray inaanu waligi eryayn ayaa xalay qaadi kari waayay culasykan kaga socda cagabaruuryada talada dalka haya. markii Dr Maxamad cabdilahi ku adkaystay in arrintan ay wadaan shirgudoonkii waqtigoodu dhacay ayna garab marsan tahay sharciga xisbiga kuna keeni karto burbur, ayaa qoladii go’aanka dalka lahayd ee ay hormoodka ka tahay Amina waris iyo cisaabadeeu ku talisay in xilka qaadis degdeg ah lagu sameeyo ka hor intaanu iscasilin.

Iyadoo ay tahay faro guudkood danbiga dawladan kulmiye ka gashay haldoorka reer gabiley  oo aan la soo koobi Karin oo sidoo kale  xusid mudan in markii dawladan gurraco ay talada dalka hantiday ay shaqadii ka eriday ku dhawaad 17 agaasime oo aqoontooda meesha ku joogay ayaa lagu soo badilay dad qabiil lagu keenay . Maxaa yeelay waa miisanka kaliya ee dawaldan ku qiiyaasto xil qaybida oo ah isir iyo dhalasho  ah maadaamo dadka xukumaa ay aqoontu ku yartahay marka laga reebo intii sablaale loo qaaday waqtigii abaaruhu ku dhaceen.

Dad aqoon u leh cilmiyada bulshada ayaa tibaaxay sababaha ugu waawayn ee dadka dalkan xukumaa u boobayaa hantida qaranaka gaar ahaan (waji xun) wasiirka macdnata iyo biyaha waa iyadoo ay raad kaga tagtay nafsiyan ah abaarihii iyo saboolnimadii ay soo maareen taas oo mar walba ay higsanayaan inay bal gaadhi karaan beelahan kale ee la degan dalka ee ka horeeya dhaqaale iyo aqoonba.

Haddaba iyadoo reer Gabiley taariikhda baal dahab ah ka galeen markay u taageen kabahooga dawladan cagabaruurku u taliyo, waxaanu idin leenahay dhamaan reer Somaliland way idin daba taagan yihiin idinkoo ahaa hooyadii halgankan ummada reer Somaliland oo aan filayo kol haddii reer gabiley ka digo rogteen inayna raagi doonin dawladan sii dhacaysaa. Horena waakii xildhibaanka reer gabileyka sheegay baarlamaanka in reer gabiley beero qodoto yihiin oo ay dhacdo inuu biqilku ama shinidu ka xumaato.

Markaa reer gabiley taageeradiinii waa hal bacaad lagu lisay iyo shinni idinka xumaatay, waxaanse idin leeyahay ayaan mar labadaan la idin dagin. Hadii kale waa idinkan doqonimo. Waxaanan ku soo gunaanadayaa bayt kale oo carbeed oo yidhaadaa

ان انت اكرمت الكريم ملكته    وان انت اكرمت اللئيم تمردا

 

Oo ka dhigan haddii qofka wanaagsan aad maamuusto waad hantidaa, hadii qofka xun aad sharaftana uu  kibraa oo waa u qooqaa.

Waa la gaadhay waqtigii la qooq jabinayay reer siraanyo iyo cagabaruuryadiisa oo la tuso tayadood iyo awoodoodu intay gaadhsiisan tahay cod ahaan iyo tayo ahaanba.

Cumar cali