Saxaafadda qaaliga ah aad ayaan idiin salaamayaa. Fadlan war Murtiyeedkan ii soo daabaca

Saxaafadda qaaliga ah aad ayaan idiin salaamayaa. Fadlan war Murtiyeedkan ii soo daabaca

 
unnamed

 

 

 

 

 

 

 

“Nina  dhuuni  ayuu kuu dhex joogaa, nina dhaqashuu kuugu dhabarjabay”. Somalilalad dadna dhuuni iyo ka shaqayso ayay ugu jiraan dadna qadiyadii kumanaanku u dhinteen ayay weli raadkeeda ku jiifaan oo ay meel marinteeda u taaganyihiin.

Xukuumadda Somaliland waxaan ku cambaaraynayaa in ay guushii jaaliyadda reer Somaliland ee Sheffield ay wada lahayd ee laga wada shaqeeyay ay cid gaara rabto inay magac ugu samayso, hantida umaddana ugu xan-xantoobiso.

Guushaas waa laga wada shaqeeyay, xubnihii kaalinta koowaad iyo talabaadba hirgelinteeda kaga jiray ayaanu nahay, Qadiyadii citiraafka ayaanu weli ku raadjoognaa, waxaanu  ka shaqaynaynaa sidii guushaasi u noqon lahayd mid midho dhasha. Waxaanu ka qayb qaadanay calan saarkii Bristol oo ah ilaa hadda guusha ugu weyn ee qurba jooga reer Somalialnd soo hooyeen.

laakiin nasiib daro waxa jira dad guushii sheffield inagu aqoonsatay, mashruuc ka dhigtay oo i maqlaay, shahaado isiiyaay, tigidh ii soo diraay u isticmaalayaan. Waxa cad in marka horeba isku ujeedo aan la ahayn.

Waxa kaloo nasiib daro ah in xukuumadu aanay ka qayb gelin ilaa haddana aanay xusid iyo dhiiri gelintoona u samayn Jaaliyadda reer Bristol iyo dhalinyaradii arintaa aadka uga shaqeeyay  ee ay hogaaminaysay Xildhibaan Hibaaq Jama iyo Muna Gamute. Sababta qudha ee loo aanaynaayo e xukuumadu u tegi waydayna waxa la tuhunsanyahay in ay tahay maadaama Gudoomiye C/raxmaan Cirro Bristol tegay oo madaxdeeda la kulmay oo ay u balanqaadeen in ay SL citiraafaan.
Xukuumaduna shirarka Somaliland lagu citiraafayo ama ha tagto ama yay tegin, guusha C/cirro iyo xisbiga wadani ka soo hooyeen Citiraafku maaha mid la qarin karo, hadaytahay, Sheffield, Bristol, Finland iyo meelo badan oo ay hadda hawlo waaweyni ka socdaa sida Norway iyo Sweden,

Waxa kaloo nasiib darro ah in Xukuumadu iyadoo og oo ay wasiiradeedu goob joog ka ahaayeen oo ay indhohooda ku arkayeen cidii hogaaminaysay ee wax laga waydiinaayay arinka citiraafkii ka dhacay sheffield, ay cid gaara ku casuumaan oo guushii aanu keenay ee jaaliyadda reer Somaliland wada lahayd isku dayaan in  loo xambaariyo koox isku familya oo madaxtooyada ku xidhan.

Waa yaabe ma waxa guusha Sheffield hogaaminayay kooxda  iyadoo aan la gaadhin maalintii citiraafka intay televisionka qaranka adeegsatay  yidhi keligayo ayaa keenay oo arintan wadna ee bulshadii isku duubnayd shakiga iyo khilaafka dhex dhigay ee isku diray  ee la wada ogaa?

Mise Guusha Sheffield waxa  hogaaminayay  xubnihii umadda dejiyay ee u xaqiijiyay in aan lagu niyad jabin xubno si hororsi ah magac aanay mutaysan u doonaya,  ee bulshada ku booriyay in qof waliba arintaa halkii uu kaga jiray ka sii wado si aynu u gaadhno wixii aynu u soconay.

Guusha Sheffield ma waxa hogaaminayay kooxda lacagta madaxtooyada looga soo dirayay ku shaqaynaysay?

 

Mise Waxa guusha   hogaaminayay  xubnihii naf, wakhti iyo maalba hurayay ee jeebkooda isticmaalayay ee qarankooda u shaqaynayay?

Guusha Sheffield ma waxa hogaaminayay kooxda TV ga qarankana  adeegsanaysay ee khiyaamaysay lacagtii wasiiradu sideen ee la yidhi xafladaha iyo kharashka martida iskaga beega, ee ilaa hadda aanay bulshada reer sheffield lacagtaasi meel ay martay war ka ahayn?

Mise waxa guushaa  keenay xubnihii iyo bulshadii isku isku duubnida muujiyay ee isku tashaday ee wixii kharash baxay tuurta u ritay si ay qarankooda guul ugu soo hooyaan

Guusha Sheffield ma waxa hogaaminayay kooxda wasiirada intay soo lugoysay oo ilaa Australia  iyo Hargeysa uga qalo diratay hadana awoodi wayday ina ay protocol fiican iyo soo dhawayn u diyaariso, ee iyadoo shirkiiba bilaabmayo anaga baryada nafta nagaga qabtay ee intay nagu soo xoomeen please wasiir hebel hadalka ma lagu dari karaa, please halka xildhibaan Rayte aad ku qorteen wasiir hebel ma lagu bedeli karaa iyo wax aan wakhtigaas oo shirku bilaabmayay waxba laga qaban karayn nagu wareeriyay oo weliba naga tegi waayay ilaa aan anigu u balan qaaday in ay wasiiradu hadli doonaan marka xubnaha  hadalka ku qorani dhamaadaan?

 

Mise waxa hogaaminayay xubnaha qorshaha shirka oo dhan la socday halka kooxdan Hargeysa wareegaysaa aanay haba yaraatee waxba ka fansanayn sida shirkuba u socondoono.  Wasiirada iyo jaaliayadii reer SL ee shirka daawanaysayna sidaas ayay markhaati ka ahaayeen. Anagu xildhibaanadii aanu casuunay si officaila ah ayaa loo soo dhaweeyay oo magacyadooda ayaa shirka lagu furay, halka aan wasiirada la soo hadal qaadin ba, ceebtaana wax aka masuula ah kooxdan Dawladu lacagta ku wado, xildhibaanadii hadlayna mid walba si rasmi aha ayuu hadalka ugu qornaa oo magacooda iyo MP nimadooda la xaadiriyay markii hadalka loogu yeedhayay.

Sawirkan hoose waxa uu ku tusayaa mar ka mid ah xiligaa aan weli shirku bilaabmin ee ay I waydiinayaan wax aan suurta gal ahayn oo ah in wasiirada liiska hadalka lagu daro.

 

Guusha Sheffield ma waxa keenay oo hogaaminayay oo council ka Sheffield dhegaysteen koox aan mid qudha oo magaalada magac iyo taariikh fiican ku lihi ku jirin mise waxa la ixtiraamay oo bulshada reer Somaliland lagu qadirayay codkooda iyo bulshada qiimaha leh ee reer SL ee degan Sheffield oo ay ka mid yihiin xubnaha council ka Sheffield in ka badan 3 jeer bilad sharafyo gudoonsiiyay oo aad looga qadariyo councilkan Sheffield.

Guusha sheffield ma waxa keenay oo hormuud ka ahaa kooxda markii Sheffield la joogayna dhaqaale dawladu soo dirto ku mashquulsanaa, haatana Hargeysa u tegay in dhaqaale intii hore ka badan iyo libin aanay lahayn loo xambaariyo? Waa maxay xikmadda kujirtay iyo baahida loo qabay in Hargeysa la tago oo koox isku family ahi  is daba yaacdo oo hanti umadeed lagu burburiyo arin aan baahi loo qabaaba jirin. Oo weliba yidhaahaan waxaanu metelaa jaaliyadda Sheffield, anaga nama metelaan, mana aanu soo diran, namana meteli karaan, waxaa ay ku hadlayaana meelka dhac ayay nagu tahay.

Guusha Sheffield waxa  hogaaminayay  muwaadiniinta maalintii guusha Sheffield la xaqiijiyay u guntaday sidii magaalooyinka kalena ay inoo taageeri lahaayeen, sida Bristol oo aanu taagero wayn u muujinay oo basas badan ka abaabulay Sheffield. Runtii waxa nasiib darro ah in wasiiradii Somaliland iyagoo London jooga aanay iman.

 

Hadii waxa la isu daba yaacayo e casuumadaha la isugu soo dirayaa ay tahay in cid gaara magac aanay lahayn loo sameeyo, waxaan leeyahay ceeb ha sii korodhsaninee iska soo noqda meel dambena ha isa soo taagina, magaaladii aad ka tagteena manta ceebtiina  ayaa meel walba lagaga hadlayaaye. Waayo wax kasta oo aad samaysaan magaca guushaa Sheffield ma afduubi kartaan, umadu indhahay kala haysaa, waa laidin arkaa, taariikhdu way qorantahay. Sheegashadu maaha in aad kolba shahaado aad idinku samaysateen isu dhiidhiibtaan, maaha inaad kolba xildhibaan doorasho ku jira u yeedhaan oo cajalado ka duubtaan, maaha in aad cajalado idinku guryihiina iyo jaaliyadiina dhexdeda iskaga duubtaan oo tidhaahaan waa group kii citiraafka keenay.
Arintaa waxaa ka tihiin wixii aad ka ahaydeen golihii uu ka dhacay aqoonsigii ugu horeeyay ee Somaliland, waa taariikh duuban oo live ah.Beenina raad maleh, qoraxdana shahaadooyin aa idinku samaysateen oo aan kalaba go’ayn oo aad isu  dhiib dhiibtaan taariikhda umadda laguma bedeli karo, ha is daalinina.  Waxaad ogtihiin in todobadii xildhibaan ee hadlay aanu mid qudhi magaciina iyo door aad arinta ku leedihiin toona soo qaadin, halka shan ka mid ahi aniga oo Mohamed Issa ah iyo xubno kale oo Somalilander ah oo magaalada sharaf ku leh ay ku hal qabsanayeen. Waxan aad banaanka ku macmalaysaan saaxiibayaal shaqayn maysee iska nasta. Saaxiibayaal taariikhdu maalintaas ayay qoranty oo way duubantahay, xagee ayaad ka dhaafaysaan? Dawladuna in ay anaga naga boodo oo idnka idinsoo marto madaxda Sheffield iyo umada keleba  shaki ayuun bay gelin doontaa, oo waxaa ka iman doonta ceeb aan hadda idiin muuqan oo fadeexad kale oo qaraweyn dawlada u soo jiida. Waar xishooda oo taariikhdani way qorantahye xaqiiqada ogolaada.

Hantidaa umada ee sida foolxumada iyo cadaalad darada ah u isticmaalaysaana ogaada xisaab ayaa ka dambaysee, oo xataa hadii aan umadii hantida lahayd idinkula xisaabtamin, xisaabtii Alle ayaan meel laga maraa jirine.

 

 

Allaa mahad leh

 

Mohamed A Issa
Xubnihii Hogaaminayay abaabulkii citiraafka Sheffield