“Shirkadaha Isgaadhsiinta, Cashuurtu Sidii Laga Doonayey Maaha” Wasiirka Maaliyadda

(SM-Hargeysa)Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay caqabadaha ka haysta cashuur ururinta iyo dakhli soo saarka, waxaanu tilmaamay in ilaa hadda ganacsatadu aanay sidii la rabay u bixin cashuurta ku waajibtay.

Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu ka hadlay dad uu sheegay inay lunsan jireen dhakhli badan, kuwaasi oo uu sheegay in markii wasaaraddu ay imika si wanaagsan u maamushay dakhli soo saarta ay warbaahinta ka aflagaadeeyaan wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Samaale, oo shalay u waramayey Telefiishanka qaranka Somaliland (SLNTV), ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya caqabadaha ka soo waajaha cashuur ururinta, ayaa yidhi “Marka shaqo la qabanayo waxay leedahay caqabadaheeda, waxaana naga hor yimaadda caqabado badan, tusaale ahaan, marka lacag badan la lunsan jiray, dadkii lacagtaa lunsan jiray dagaalka ugu badan-bay ku qaadeen wasaaradda Maaliyadda, Jaraa’idka iyo Website-yada oo lagu caayayo wasaaradda Maaliyadda, sababta loo caayayaana dad wax xadi jiray oo wixii ay xadi jireen ay go’een, laakiin dhag jalaq umaanaan siin, waayo waxa ILAAHAY dartii loo qabanayo ayaa ka muhiimsan ee muuqda”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay caqabadaha ka haysta shirkadaha isgaadhsiinta iyo ganacsatada dalka qaarkood, kuwaasi oo uu xusay in aanay sidii la doonayey cashuurta u bixin “Culaysyadu way badan yihiin, waxaana ka mid ah dad cashuurta aan boqolkiiba sagaashan aan bixin jirin, marka cashuurta inteedii badnayd bixiya la yidhaahdo caqabado ayaa ka yimid, markaa waxa dhab ah in cashuurteennu aanay 100% sidii loo baahnaa ahayn ama xaga ganacsatada waaweyn badhkood ha ahaato ama ha noqoto xagga isgaadhsiinta (Shirkadaha isgaadhsiinta), markaa cashuurtu sidii la doonayey maaha oo aad iyo aad-bay uga hooseysaa, laakiin waxaanu rejaynaynaa inay korodho oo dakhli badan oo meelo Isgaadhsiintu ka mid tahay (ku baaqda) intuu imika yahay aad uga kordho..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray inay dedaal ugu jiraan sidii ay caqabadahaasi uga gudbi lahaayeen  “Si aanu hawlahaa waxa uga qabanno, waxaanu markii ugu horeysay dhisaynaa wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta, waxaanu rejaynaynaa marka dhismaha wasaaraddu dhamaado, qalab miisaaniyadda ugu jirana aanu u soo iibino in shaqadeedu sida ay hadda tahay ay aad iyo aad uga wanaagsanaan doonto…”

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ayaa wareysiga uu siiyey Telefiishanka qaranka ku faahfaahiyey waxqabadka xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda, isaga oo ku faanay in Miisaaniyadda dalku ay hadda marayso meel dhowr jeer ka badan miisaaniyaddii ay xilka ku wareegtay sanadkii 2010-kii.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday