Siilaanyo Oo Laba Degmo Oo Cusub U Magacaabay Beeshiisa Madaxtooyadana Ku Soo Dhaweeyey Xubno Isla Beesha Ah Oo Sheeganaya Libintii Sheffield

Salaan ka dib

 MAQAAL
Waxba la xeerin maayo baan filayaa waayadan dambe maamulkan uu madaxweyne ka yahay Siilaanyo oo u xuub siibtay maamul beeleed ay taageeraan beelo khaas ah oo aan ka turjumin baahiyaha ummada xilka u doortay balse ah mid naasnuujiya beesha uu ka soo jeedo xilkana uu u hayo fulinta goaamadii shirkii Garadag. Muwaadin maantana waa laba dagmo oo yy madaxweyne Siilaanyo kala xishoon waayey qalinka in uu ku duugo labadan degmo oo ay degaan beeshan ayaa magacaabistani ka dhigaysaa mid xaaraan ah oo aan leexasho lahayen loogu kala eexanayo bulshada Somaliland degta madaxweyne Cigaal AUN ayaa ka xishooday in uu gobol u magacaabo beesha uu ka soo jeedo odayaashi u yimi ee ka dalbaday in uu gobolka Saaxil u magacaabo ayuu ugu jawaabay yaa kale oo idinku weheliya codsigan oo aan idinka’oon ahayn markaasay yidhaahdeen cidna madaxweyne Cigaal oo aftahan ahaa baa ku yidhi adeerayaal idinka oo raali ah si aan loo odhan Cigaal baa tolkii gobol u magacaabay ee keena beelaha kale ee idinla dega Berbera markii dambe ee ay soo noqdeen odayaashii oo wata odayaal ka tirsan beelaha kale oo iyana raba in gobolka loo magacaabo ayuu ku dhawaaqay.
 
Waxaa kale oo iyana jira xubno ka tirsan qorbajoogta Sheffield oo ka soo jeeda isla beesha madaxweyne Siilaanyo oo uu ku soo dhaweeyey madaxtooyada iyaga oo sheeganaya libinta aqoonsigii Sheffiled kaas oo aynu ka wada dharagsanahay in ay keeneen xubno firfircoon oo ka soo jeeda xisbiyada mucaaridka ah siiba xisbiga Wadani oo kaalin mug leh ka qaatay aqoonsigan balse la qabyaaladeeyey oo ay dowlado samaystay xubno bug ah oo aan dhinacna ka soo gelin oo qudhata ka soo jeeda beesha madaxweyne Siilaanyo lacagtoo $20,000 ee uu wasiir Ducaale’na sheeganayo in uu farta ka saaray laakinse aan la aqoon meel ay martay xaasidnimadan ay wado dowlada Siilaanyo iyo fadeexadii ka raacday calansaarkii Bristol oo aanay ka soo qaybgalin madax isku sheega debedaha wareegaya waa nabar weyn oo ku dhacay qaranimada Somaliland iyo dib ugu noqosho xeer beeleed kala qabsanaanta bulshada midsanayd xiliyadii hore.
 
 
Waxba yaanu xeerkay I marin xoolana isiine,
xaasha e nin libin kaa xisdiyey xumihii waa yaab
 
 Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh
 
Guuleed Buraan
gburaan@gmail.com