Somaliland: Haweenka Oo Hordhigay Goleyaasha Sharci dejinta Dalab Xasaasi ah

Somaliland: Haweenka Oo Hordhigay Goleyaasha Sharci dejinta Dalab Xasaasi ah

Amaal xaaji MiisaanHargeysa (SM)-La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha haweenka Marwo Amaal Xaaji Miisaan ayaa Goleyaasha Baarlamaanka ugu baaqday inay ayidaan baaqii madaxweynaha ee la xidhiidhay in haweenka la siiyo kuraasi gaar ah oo kooto loogu xidho doorashada Baarlamaanka ee fooda lagu wado inay dalka ka dhacdo.

Marwo Amaal Xaaji Miisaan waxay sheegtay in Haween weynaha Somaliland ay madaxweyne Axmed= Siilaanyo ugu hayaan abaal aan duugoobaynin baaqyadii kala dambeeyay ee uu ugu baaqay Goleyaasha sharci dejinta inay kuraasi kooto ah u cayimaan haweenka.

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany) waxaan uga mahad celinayaa baaqyadii kala dambeeyay ee ay ugu dambaysay khudbadii uu dhawaan ka horjeediyay labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo wakiiladda) ee uu ku nuux-nuuxsaday in haweenka la siiyo ahmiyadda ay qaranka ka mudan yihiin,”ayay tidhi La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenku.

“Waxaan ugu baaqayaa Goleyaasha sharci dejintu inay ajiibaan baaqyadda Madaxweynaha oo ay haweenka u xidhaan kuraasi kooto ah oo ay dhexdooda ku tartamaan doorashooyinka soo socda, waxaan ku boorinayaa Xildhibaanada labada aqal inay aqbalaan codsiga haweenka ee madaxweynuhuna ku baaqay in la taageero,”ayay intaas raacisay Marwo Amaal Xaaji Miisaan.

Aragtida Haweenka 
Haween weynaha Somaliland ayaa si weyn ugu riyaaqay baaqii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Goleyaasha sharci dejinta kaga dalbaday inay iska xil saaraan sidii ay haweenka ugu xidhi lahaayeen kuraasi gaar ah, si haweenku doorkooda uga qaataan ka qeyb galka talladda wadanka.

Saamiga Haweenka ee Xukuumadda

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa xukuumaddii ugu horaysay ee Somaliland soo martay ee haweenka kaalin weyn ka siisay Golaha Xukuumadda, waxaanay ku leeyihiin Laba Wasiir iyo Laba Wasiir Ku xigeen, kuwaasi oo kala ah Wasiirka waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre, Wasiir Ku Xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan iyo Wasiir Ku Xigeenka Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda Marwo Shugri Xariir Ismaaciil.

Salaanmedia/Hargeysa