Somalilander laga soo doortay xaafada Enfield ee magaalada London

Somalilander laga soo doortay xaafada Enfield ee magaalada London

 imgID5572608.jpg.display

Waxa dhawaan laga soo doortay  xaafada Enfiled ee doorashadii golaha degaanka iyo urub  dhawaan ka dhacday dalkan UK, markii ugu horaysay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo lagu magacaabo abdirahaman abdillahi qaalib.

 

murashaxan oo matilayay xisbiga shaqaalaha ee (labour party) ayaa helay cod aad u faro badan oo u kaga guulasytay xubnihii kale ee la tartamayay kana soo jeeday  axsaabta kale’

 

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Qaalib wuxuu waxbarashadii hoose ku qaatay Dusiga hoos/dhexe ee Sh. Bashiir ee Magaalada Hargeysa. Waxbarashadiisii sarena Dugsiga Sare ee 26ka Juun  isla magaalada  Hargeysa. 

Wuxuu waxbarasho jaamacadeed ka bilaabay Dalka Holland isagoo ku dhamaystay Dalka Ingriiska  kana qaatay shahaahada BA Economics (Cilmiga Dhaqaalaha)  isagoo waxbarashadiisii sii wata ayuu ku qaatay shahaadada sare ee Masterka  (Cilmiga Siyaasada Arrimaha Bulshadda)  

 

Waxaa uu noloshiisii shaqo ka bilaabay qaybta shaqada iyo hawlgabka ee wasaarada shaqada ee dalkan UK  halkaas oo u muddo dheer ka soo shaqeeyay isagoo dhanka kale la shaqayn jiray dawlada hoose ee xaafada Enfield oo ah arinta ku dhalisay inuu isku soo sharraxo xubinimada golaha degaanka si u si buuxda ugu faro baxo adeega dadka degan xaafadan Enfield gaar ahaan ummadda ku hadasha af ka Somaaliyeed.

 

Waxa xusid mudan in dhawaan ay soo badanaya dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee  ku soo dhiiranaya inay isku tagaan golaha degaanada ay ka tirsan yihiin oo la quudaraynayo inay yeeshaan xildhibaan loo doorto golaha sharci dajinta (parliament) mustaqbalka dhaw inshalah haddii ay siday u sii dadaalaan.

 

Syed khadar