SONYO Oo Deeq Lacageed Guddoonsiisay Agaasimaha Xarunta Baahiyaha Gaarka Ah Ee Hargeysa

(SM-Hargeysa) – Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo uu weheliyo Mukhtaar Cismaan Cabdi oo ka mid ah Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, ayaa xafiiskiisa waxa uu deeq lacageed ku wareejiyey Maamulaha Xarunta Baahiyaha Gaarka ah ee Hargeysa Marwo Khadra Cumar Xasan, Deeqdaasi lacageed oo SONYO ugu tala gashay in wax lagaga qabto Xaruntaasi muhiimka ah.

Agaaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed waxa uu sheegay in ay SONYO mar walba garab taagan tahay dugsiyada iyo dhammaan goobaha waxbarashada dalkeena oo ah goobaha soo saaraya Jiilkii berri ka maalin dalkan wax u qaban lahaa xaruntanina si gaar ah ugu baahan tahay in wax lala qabto maadaama ay ku jiraan dhallinyaro yaryar oo nugul kuwaasi oo ah kuwo qaba baahiyo gaar ah oo u baahan in mooral ahaan iyo daryeel ahaanba la is barbar taago. Agaasimuhu waxa uu u mahad naqay Maamulaha Xarunta iyo Dhammaan shaqaalaha Xaruntaasi oo runtii haya arday u baahan in wax lala qabo oo daryeelkooda iyo tarbiyaddoodaba si weyn ugu hagar baxay taasi oo wax weyn ka taraysa in aynu ubadkeena baahiyaha gaarka ah qaba u hello xarun casri ah oo lagu xanaaneeyo waxna lagu baro.

“SONYO waxa ay u taagan tahay in ay wax la qababto dhammaan dhallinyarada iyo ubadkeena yaryarba waana waajib aan isa saarnay si aan qaybtayada nagaga aaddan wax uga gaysano dhammaan adeegyada Bulshada ee gaarka ah gaar ahaan goobaha baahiyaha gaarka ah qaba ee u baahan in wax weyn aynu ka qabano. Xaruntani waa in ay innoola mid ahaataa waliba aan door weyn ka gaysanaa maadaama ay hayso ubadkeenii baahiyaha gaarka ah qabay, cid kasta oo hawshaa wax ka gaysanaysana SONYO waxa ay ballan qaadaysaa in ay garab taagan tahay. Sidaasaan dalkeena iyo dadkeena wax ugu qabanaynaa marka aan is kaashano ee aan cagmaha ias qabsano” ayuu yidhi Agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed.

Mukhtaar Cismaan Cabdi oo ka mid ah Xubnaha golaha Sare ee SONYO gaar ahaana laga soo doorto Gobolka Awdal Caasimaddiisa Boorama ayaa sheegay in SONYO mar walba dadaal ugu jirto sidii ay wax uga qaban lahayd baahi kasta oo ay qaban karto iyada oo mar walba awoodda saaraysa Dhallinyarada iyo ubadkeena oo ah aayaha dalkani leeyahay. isaga oo sheegay in Xubnaha Golaha sare ansixiyeen in dugsigan deeqdan lacageed la siiyo maadaama muhiimaddiisa ay arkaan waxaanu Maamulaha dugsigaasi u ballan qaaday in hogaanka SONYO mar walba u heellan yihiin in ay dadkooda dadaalaya wax la qabtaan.

Ugu dambayn Marwo Khadra Cumar Xasan oo ah Maamulaha Xarunta Baahiyaha Gaarka ah ayaa SONYO uga mahad naqday deeqdan lacagta ah oo ay sheegtay in ay wax ka qaban doonto baahiyaha dugsigaasi oo u baahan in aan dhammaanteen garab joogsano, waxaanay ugu baaqday SONYO in ay sii waddo dadaalka ay dhallinyarada ugu jirto.

Salaanmedia/Hargaysa