Ujeedada Dhabta Ah Ee Odayaasha Reer Muqdisho, W/Q:C.qani Iid Cilmi

“ Ciidankaa bandhiga ka qayb qaatay waxaanu ogsoonahay in aanu ciidanka Somaliland ahayn ee ay ka qayb qaateen ciidanka Ethiopia”, gaadiidkaaa tiknikada ah ee Somaliland soo bandhigtay waanu hubnaa in uu yahay tiknikadii dawlada Ethiopia waayo somliland may lahaan jirin gadiid dagaal oo awood leh!

Hadaladani waxay ka mid yihiin weedhihii ka soo yeedhayay siyaasiyiinta dawlada Somalia kadib banaanbixii iyo dhoolatuskii ciidan ee bishii may 2013 ay soo bandhigtay dawlada Somaliland, hadaba waxa aan shaki ku jirin in Oday dhaqameedka ka soo hayaamay muqdisho ay ujeedooyinkooda fartu ku godantahay walaw haba sheegaan ujeedooyin marin habaabin aha e.

Dabaaldaga maalinka 18may oo ay ka hadhantahay 5-maalmood ayaa waxaa hubaal ah in ay odayaashaasi ka qayb qaadan doonan kuna sugnaan doonaan

Somaliland maalinka dabaaldaga taas oo muujinaysa in muhiimada ugu wayn ee loosoo dirsaday odayaashan ay ahayd in ay soo hubiyaan in ciidamada iyo waliba gaadiidka ay soo bandhigaan ciidanka soomaaliland ay yihiin ciidan iyo tikniko u gaar ah dawlada somalilan iyo in ay yihiin amaano ay usoo dhiibtay dawlada Ethiopia.

Waa markii u horaysay ee oday dhaqameedyo soomaaliyeed oo miisaankaa lihi ay booqdaan odayaal kale tan iyo intii Somalia burburtay iyada oo wlaiba ay soomaaliya ay soo martay wakhtiyo ay ka amaan iyo xasilooni badantahay maanta kagna haboonayd in sooryo ay doontaan odayaasha reer muqdisho maatidoodana ay kaga tagi karayeen ciidan soomaaliyeed haba ahaadaan maxaakiimtii ama xoogag kale oo soomaali ah e , hadaba sababta ay maanto odayaasha reer muqdisho uga heemaaleen muqdisho iyaga oo maatidoodiina kaga tagaya afrikaan madmadoow oo aan aamin lahayn ayaa waxa ay ka dhigan tahay maahmaahdii ahayd “socon waynee ma orodnaa”.

W/Q:C.qani Iid Cilmi

Cab_dir@hotmail.com