War Deg Deg Ah Madaxweynaha Soomaaliya oo gacanta loo galiyay Warqadii looga dalbanayay in uu is casilo

madaxweynaha somalia

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in goordhaw uu soo dhamaaday kulan ay albaabadu u xirnaayeen ay yeesheen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha ayaa gaaraya ilaa 40-Xildhibaan kuwaa ay iska soo xuleen Xildhibaano ka badan 100- oo dhawaan soo saaray bayaan ay Madaxweynaha Soomaaliya uga dalbanayeen in uu is casilo.

Ilo kusugan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in Xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha ay u gudbiyeen Bayaankii ay maalmo kahor ay uga dalbanayeen in uu si deg deg ah uu isku casilo kadib markii uu ku fashilmay in uu wax badan ka qabto balanqaadyadii uu sameeyay. 

Madaxweynaha ayaa lasoo sheegayaa in uu ka gudoomay Xildhibaanada uu la kulmay Bayaankii ay kaga dalbanayeen in uu is casilo , waxa uuna u sheegay in uu soo aqrisanayo Xildhibaanada kadibna uu jawaab kusoo celin doono.

Wararka aan helnay ayaa intaa raacinaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu markii hore diiday in uu la kulmo Xildhibaanada u waday bayaanka ku aadan in uu is casilo , hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa ogolaaday in uu la kulmo uuna ka gudoomo Warqada ay wadeen Xildhibaanada ay iska soo xuleen in ka badan 100-Xildhibaan.

Salaanmedia/Moqdisho