War Deg Dega: Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf Oo Maanta Xabsiga Loo Taxaabay

Yuusuf Cabdi Gaboobe

May 10,2014 Hargeysa(SM)-Waxa goor-dhaweyd ay Ciiddamadda Boolisku Xisbiga u taxaabeen Guddoomiyihii Wargeyska madaxbanaan ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirhii Wargeyskaasi Axmed Cali Cigge.

Masuuliyiintan Xisbiga loo taxaabay ee Wargeyska Haatuf ayaa maanta loo balan-sanaa in dacwadda loo haysto ay ka bilaaban-to Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo loo muddeeyay maanta, balse Ciiddamadda Booliska ayaa ku war-geliyay inay xidhan-yihiin.

Wargeyska Haatuf ayaa muddaddii aan la xayirin waxa uu baahiyay Fadeexad Musuq-maasuq oo uu Wargeysku sheegay in ay faraha kula jireen Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wiil uu Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay oo lagu magacaabo Baashe Cali Xaaji Cumar.

Salaanmedia/Hargeysa