WAR-SAXAAFADEED: Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu ku hambalyaynayaa Jaalliyadaha Somaliland ee Caalamka Sida ay Uga Qaybqaateen Xuska Munaasibadda 18 May 2014

WAR-SAXAAFADEED: Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu ku hambalyaynayaa  Jaalliyadaha Somaliland ee  Caalamka Sida ay Uga Qaybqaateen Xuska Munaasibadda 18 May 2014

Warsaxafadeed

 “Jaalliyadaha Somaliland ee Wadamada Caalamku waxay kaalin mug leh kaga jiraan  qadiyadda madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland  iyagoo markasta iyo meelkasta oo ay dunida ka joogaan  shucuur wadaninimo iyo dareen mid ah la wadaaga Shacabkooda Somaliland”.

“Jaalliyadaha  Somaliland waxay si laab leh uga oogeen  xuska sannadguurada 23-aad ee ka soo wareegtay  dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland 18 May 1991, wadamadii ugu badnaa qaaradaha dunida ee qurbajoogga Somaliland ku qabtaan xuska 18 May”. 

“Qurbajoogga Somaliland ee jaalliyado tiro badan ayaa si isku mid ah uga dabbaal-degay xuska 18 May 2014 magaalooyinka waaweyn ee dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo dalal ay ka midyihiin  Canada, Norway, Sweden,  Finland, France,  Belgium, Holland, Talyaaniga, Australia, South Africa, Djibouti, Sucuudiga, Qatar, Kuwait, Dubai,   South Africa,   Turkey, Uganda, China, Malaysia, Masar,  Yemen, Sudan, India iyo wadamo kale”.

“Xafiiska  Xidhiidhka Jaalliyadaha Somaliland wuxu uga mahadcelinayaa guud ahaan  qurbajoogga iyo jaalliyadaha Somaliland  iyo ururadada ardayda Somaliland ee dhammaan wadamadan kor ku sheegan iyo dalalka kaleba  sida wadaniyadda iyo qaranimada leh ee ay uga qaybgaleen xuska sannadguurada 23-aad ee maalinta qaranimada Somaliland  18 May 2014”

 

GUUL GOONI ISUTAAGGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

Xasan Axmed  Yuusuf

Agaasimaha Xidhiidhka Jaalliyadaha

 Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL

Emai: info@somalilanddiaspora.org

Hargeisa,  Somaliland Â