War saxaafadeed xuska 18ka May 2014 Nederland

XIDDIGAHA GEESKA…HEES CUSUB SANADGUURADA 18 MAY SOMALILAND.
Warsaxafadeed
Taariikh: 10/05/2014
Tixraac:
UTRECHT, SLNL/002/14
UJEEDO:
OGAYSIIS KU SOCDA JAALIYADA
SOMALILAND EE DALKA NEDERLAND
Ururka ay ku midaysan yihiin dhamaan
jaaliyada
reer Somaliland ee ku dhaqan dalka
Nederland ee loogu magacdaray
SOMALILANDERS IN
NEDERLAND (SLNL), waxa uu ugu
horeyn u hambalyaynayaa
bulshada reer S
omal
iland gudo iyo
dibadba, waxaanu ugu
hambalyayn
aa maalinta qaaliga ah ee 18ka May
. Waa maalin qaali ah,
waana maalin astaan
u ah qara
nimada Jamhuuriyada Somaliland
una horseedi doonta aqoonsi buuxa inshaa
Allah. Waxaanu lee nahay maalintan qaaliga ah aanu u damaashaadno una xusno meel
kasto oo aanu ka joogno dalkan Nederland bulshadeena reer Somaliland.
W
axa sanadkan isku xilqaamay oo tunka u ritay xuska maalintan nagu qaaliga ah ururo
badan oo bulshada reer Somaliland ee dalkan Nederland u adeega. Ururadan waxa ay noo
fududeeyeen in aanu helno goobo aanu ku dabaaldegno oo aanu ku kulano. Waxa aanu u
mahad
naqaynaa dhamaan ururada iyo shakhsiyaadka ku hawlan xuska 18ka May. Waxa
aanu idinla garab taaganahay hiil iyo hoo.
WAXA AY DABAALDAGYADANI INSHAA ALLAH KU QABSOOMI DOONAAN
GOOBO KU YAALA
MAGAALOOYINKA GORINCHEM, SOESTERBERG IYO Z
OUTERWOUDE. WAXA HALKAN HOOSE
KU XUSAN
GOOBTA, CIWAANKA, WAKHTIGA IYO HALKA LAGAGA XIDHIIDHI KARO
MASUULIYIINTA KU HAWLAN HAWSHAN XUSKA 18KA MAY.
MAALINTA XUSKU WAA 17 KA
MAY,
1.
WAKHTIGA 17:00 ILAA 01:00,
GOOBTA: FRANKLINWEG 2, 4207 HZ GORINCHEM. KALA
XIDHII
DH:
NOMAD.GROUP@HOTMAIL.COM
2.
WAKHTIGA 18:00 ILAA 02:00,
GOOBTA:STEMERDINGWEG 1, 3769 CE, SOESTERBERG.
3.
WAKHTIGA 17:00 ILAA 01:00,
GOOBTA:
KOOIKERPEIN 1, 2382 EG ZOUTERWOUDE.
KALA XIDHIIDH:
0684235138.
Ururka SLNL waxa u qorshaysan in uu u hawlgalo dhinac
yada wacyi gelinta diinteena
suuban, taakulaynta bulshada inteena dhibaataysan, dhiiri gelinta is dhexgalka bulshada
inteeda kale ee Nederland, kor u qaadista hidaha iyo dhaqanka, iskaalmaynta xaga
dhaqaale, isku xidhka bulshada reer Somaliland iyo tii dal
keena hooyaba. Walaalayaal
ururka SLNL waxa uu jiray mudo gaaban, inshaa Allah mustaqbalkana wuu ka midho dhalin
doonaa himiladiisa.Hadii aad muwaadin danaynaysid in aad hawlaha na horyaala nagu
gacan qabato, fadlan ha moogaan in aad nala soo xidhiidhid am
aba nala kulantid maalintan
qaaliga ah. Waxa goobaha xuska 18ka May ka dhacayaan ee halkan sare ku qoran inshaa
Allah noogu sugnaan doona wakiilo ka socda SLNL. Waxa kale oo had iyo jeer nagala soo
xidhiidhi karaa e
mailka ururka:
info@slnl.nl
Waa inoo iyo xuska 18ka May Inshaa Allah
Maca salaama
Ismaaciil Cawl
Gudiga SLNL