War-saxaafadeed:Mahad celin,Xaakimka Imaarada Dubai,Sheikh Mohamd Bin Raashid Al Maktoum

Sheikh Mohamd Bin Raashid Al Maktoum

Taariikh: 6 May,2014

Qoraal #:TWF7-06052014

Ujeeddo:Mahad celin,Xaakimka Imaarada Dubai,Sheikh Mohamd Bin Raashid Al Maktoum  

Dhammaan Maamulka iyo xubnaha Hay’ada samo falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),waxay u mahad celinayaan Xaakimka Imaarada Dubai,ahna madaxweyne ku-xigeenka Dalka  Imaaraatka Carabta,Sheikh Mohamd Bin Raashid Al Maktoum,oo Hay’adiisa samo falkan ee Sheikh Mohamd Bin Raashid Al Maktoum Humanitarian & Charity Establishment,ay bixisay dhaqaalaha ku baxaya hir galinta Cusbitaalka weyn ee magaalada Tog-wajaale,oo gabo gabo ku dhaw.

11

Hay’adda samo-falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF), oo iyadu talada & fikirka Cusbitaalkaba lahayd,ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba dadaal joogta ah ka sameysay,codsiyana u qortay Hay’adaha samo falka ee ka hawl gala Dalalka Carabta,Yurub iyo Qaarada Maraykanka.
 
http://www.longlivesomaliland.com/Hayadda%20samo%20falka%20oo%20dhagax%20dhigtya%20cusbitaalka%20Togwajaale.htm

Waxaan soo jeedinaynaa in Cusbitaalka weyn ee magaalada Tog-wajaale,loogu magac daro Sheikh Mohamd Bin Raashid Al Maktoum ama Madaxweynihii hore Dalka Imaaraadka Carabta,marxuum Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan,oo ahaa shaqsi aad u naxariis badan,mashaariic samo fal ah , oo badana umada muslimiinta u qabtay.

Hay’adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foundation (TWF)