Warsaxaafadeed: Dhallinyaro Ku Dhawaaqay Golaha Badbaadada iyo Xoreynta Somaliland

image

Annaga oo ah dhallinyarada Somaliland ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin. Maanta oo sooyaalku yahay 30kii Mey sannadka 2014ka,

Kadddib markii aanu isugu nimi shir hordhac ah oo falcelin u ah xalaadda degdegga ah ee waddanku xalay galay

 

Kaddib markii aanu aragnay cabudhinta, cadaadiska iyo tacaddiga ay caadaystay xukuumaddu

Kaddib markii aanu muddo daawadayaal ka ahayn xaaladaha waddanka ka jira ee sababi kara burburka iyo hagaasinta qaranka.

Kaddib markii xalay saqdii dhexe la taxaabay Wasiir-ku-xigeenkii Amniga ee Hore, oo caasimaddana lagu soo rogay bandoo xannibtay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Kaddib markii dad shacab ah lagu jidh-dilay taageerada Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo dalka iyo dadka ugu jira kaalin laf-dhabar

 

Waxa aanu ku dhawaaqaynnaa Golaha Badbaadada iyo Xoreynta Somaliland oo xoog, xeelad, xirfad, xushmad, xaqdhawr, xulafaysi iyo xal kasta u maraya sidii aanay dawladnimadu u curyaami lahayn marnaba. Ma nihin dadkii xabbadda sida loo rido bartay, haddii ayse ka fursan weydo waxa aanu samayn doonnaa jabhad ka dagaallanta gudaha dalka.

 

Ugu dambayntii

  1. Waxa aanu ka xunnahay khilaafka ka dhexeeya Xisbiga KULMIYE iyo Wasiirradii baal-maray hannaanka maamul-wadaagga ee la shiryimi magacyo ay ku sheegeen Golaha Dhexe ee KULMIYE. Xukuumadda waxa aanu ugu baaqaynnaa in aanay baal-marin guddoonka sharciga ah ee lagu ansixiyay shirweynihii Xisbul-xaakimka ee 28-29kii April ku qabsoomay Hargeysa

 

  1. Wasiirrada waxa aanu ugu baaqaynnaa in ay ku koobnaan masuuliyadda qaran ee saaran, oo ay dhex u noqdaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi

 

  1. Waxa aanu cambaarayn xooggan u jeedinayaa Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta oo ku guul-darraystay qabashada dooddii qaran ee loo igmaday. Ma aha mid meteli kara Somaliland akadamigani, waxa aanu xisbiyada, xukuumadda iyo madasha ugu baaqaynnaa in laga tashado ciddii lagu aammini lahaa qabashada hawshan. Akadamiga waxa ku lug leh gacmo shisheeye iyo dawlado ajnabi ah. Sidaas darted waxa aanu qaban doonnaa talo qaran oo dhallinyaradu aayaheeda kaga tashato!

 

  1. Waxa aanu Golaha Guurtida ugu baaqaynnaa in ay noqdaan dhexdhexaad oo ay majaraha u qabtaan xallinta khilaafaadka qaranka dhinac kastaba. Intii uu geeriyooday Marxuum Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar waxa ay far badani ku godan tahay hannaanka ay u shaqeeyaan Golihii Guurtidu, waxa ay ka guureen dhaqankii waxaanay hadhac ay agoon iyo siyaasiyiini dooyaystaan.

 

  1. Waxa aanu ku faraxsannahay in uu si nabad ah dalka ugu soo laabtay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa aanu Golaha Wakiillada ugu baaqaynnaa in ay tallaabo ka qaadaan sharci-darrada ay xukuumaddu caadaystay. Ta ugu dambaysayna waa xadhigga Wargeyska Haatuf

 

  1. Waa ku ceeb xukuumadda Somaliland in Maamulka Xamar ay Mujaahid Qeybe ugu magac-dareen Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxa aanu leennahay aas iyo oohin qaran kuma filna geesiga aynu tebaynno. Waa in loogu magac-daro meel muhiim ah sida Madaarka Berbera, Dhakhtarka weyn ee Hargeysa, Garoonka diyaaradaha ee Burco, Jaamacad IWM.

 

  1. Waxa aanu si kal iyo laab u soo dhaweynaynaa hadalkii runta ku salaysnaa ee uu dhawaan sheegay Mujaahid Axmed Cabdi Ibraahin Xaabsade. Waxa aanu leennahay haddii ay xukuumaddu garan-weydo sinnaanta ay mudan yihiin beelaha SSC, ma garanayno meel aanu kaga hadhno Xaabsade. Fadlan si maangal ah ha lagu qaabbilo tabashada damallada reer Somaliland ee ay dadka qaar u yaqaannaan Beelaha darafyada.

 

  1. Waxa aanu ugu baaqaynnaa Murashixiinta Madaxweyne, Guddoonka KULMIYE, WADDANI iyo UCID inay kuraasidooda u huraan midaynta qaranka. Waxa aanu baafinaynnaa Guddoomiye Xisbi Qaran oo kursigiisa uga tanaasula beelaha kale ee Somaliland.

 

Waxa si ku-meelgaadh ah loo doortay saaka oo Jimce ah

 

Guddoomiye: Mujaahid Xasan Axmed Xasan

Ku-xigeen: Cabdi Xasan Isaaq

Xoghaye Guud: Maxamed Yuusuf Xiiray

Af-hayeen: Siciid Maxamuud Gahayr

 

Hargeysa, Somaliland