Wasiir Mohamed Biixi wuxuu ku yidhi councillor Hibaaq Jama Bristol igu soo wareeji xaflada 18 May by Abdi Mustafe

biixi yon
Mohamed Biixi in uu nin madhan yahay oon siyaasi ahayn Somaliland na dan ka lahayn, waxa soo wacday Hibaaq Jamac oo Bristol Councillor ka ah isaga oo London jooga oo waxay ka cod satay in uu ka soo qeyb galo dabaal dega calanka Somaliland loo ogolaaday in caro ingiriis laga taago. Mohamed Biixi wuxuu uugu jawaabay naa shaqadii dowlada Somaliland ayaad faraha kula jirtaa ee igu soo wareeji. Waxay ku tidhi anaa arinkan ku soo hawshooday ee ma ka soo qeyb geleysaa. Maya ayuu yidhi hadaanan anigu gadh wadeen ka noqon nayn.
Iyana kama noqon kartid bay tidhi wax aanad bilowgii hawsha ka mid ahayn.
Sidaa ayuu wasiirku xafladii uugu weynayd ee sanaka 18 May ku diiday in uu ka  qeyb galo. Mohamed haduu in uun wax kala garanayo kama maq naadeen meesha calanka Somaliland laga taagay ee waa nin qabyaalad iyo qudhun ku caan ah. Wayahay, hadaba Mohamed Biixi waa kuma muxuuna ahaan jiray. Mohamed wuxuu ahaa nin ka shaqeeya African Development Banka iyo UN mission ka Sudan. Banka waa laga eryay oo madaxweynaha dalka Ivory Coast iyo Somali shaqaale Banka ka ah ayuu musuq-maasuq la galay sidaa darteed na si fool xun baa lagaga eryay.
Mohamed wuxuu shaqo ka helay uu sababteeda lahaa Abdirahiim Caabi farah UN – Mission ka Sudan. Halkaana qabyaalad laga yaq yaqsoodo ayuu ka falay oo uu ilaa 60 qof oo toban mooyaane inta kaleba tahay jifada uu ka soo jeedo oo caruuro dugsiga sare ka soo baxay ka mid ahaayeen oo la soo eryey badan koodii markii uu shaqada ka tegay uu qorey. Mohamed Biixi maaha nin fiican ama raga nimo ku duugantay ama damiir wanaagsan le. Mohamed waa nin aad u jilicsan oo madaxda kaba leef u noqda.
Mohamed Biixi oo wasiirka arimaha dibada ayaa laga hayaa in uu Hibaaq ku yidhi igu soo wareeji hawsha calan saarka hadii kale iman maayo. Kasaa wasiir Somaliland u ah wax uu kala garanayaa aanay jirin. Iminkana wuxuu aad uuga shaqeeyaa sidii lacag uuga heli lahaa shirkado uu doonayo in uu dalka keeno sida mid Dekeda Berbera laga kireynayom iyo mid kaluun iyo mid milix. Wa shakhasi aad u lacag jecel siyaasina maaha.Wasiir Mohamed Biixi wuxuu ku yidhi councillor Hibaaq Jama Bristol igu soo wareeji xaflada 18 May
by Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.ca