Wasiirada qurbaha yaacayaa waxay markhaati ka yihiin in aan Silaanyo talin by Abdi Mustafe

MAQAAL
Silaanyo waxa lala hiishadey da’da gondo dhigtey ee aannu dalku halkuu marayo ka war hayn. Waxan oo wasiir Europe iyo North America yaacayaa dalka kamay soo baxeen hadii Silaanyo awoodiisu taam tahay. Macquul maaha raxan-raxan wasiira ah ayaa aduunka gaaf wareegaya oo weliba 18 May lacag ku urursanya … Yaa Salaaam.
Silaanyo waa la xanaaneeyaa wax lala yaabana maaha oo wuu gaboobay oo weliba xanuuno u dheer yiin.
Hadaba yaa dalka ka talaya? Waxa dalka maamula Amina Weris iyo Morgan iyo dhowr wasiir. Waa xaqiiq in aan Silaanyo waxba xasuusan karin oo cid waliba wey ogtey. Waxa kale oo wax aad loola yaabo ah Xukuumada Silaanyo ictiraafka dalka wey ka soo hor jeedaa waqtina ma geliso cidii ay arkaan inay dhaq dhaqaaq wadaana wey ku duulaan oo ka kharibaan sida sheekada Bristol ka taagan.
by Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.ca