Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaji Cali Oo U Safray Dalka Maraykanka.

Wasiir-xirsi

Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo U Safray Dalka Maraykanka.

 

 

 

(SM-Hargeysa) – Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa galabta u ambo-baxay cariga dalka Maraykanka.
Wasiirka Madaxtooyada iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa waxay jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Maraykanka kala qayb-galayaan xuska 23-guurada Madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May, taasi oo maalmo koobani ka dhiman yihiin.

 

Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa xubno ka ah xildhibaan Cali Gabiley, Marwo Sacdiya, oo labadooduba ka mid ah guddida qaadhaan ururinta dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco, waxa kale oo xubnaha weftiga ka mid ah saxaafada , Muniir Axmed Cigaal, oo weftiga ula socda inuu Telefiishanka Qaranka Somaliland u soo gudbiyo xuska 18-ka ee jaaliyadda Mareykanka.

 

Salaanmedia/Hargaysa