Xisbiga Waddani UK ayaa doortay hogaan cusub dalkan Ingiriiska iyo Gudoomiyahii hore oo xilka ku wareejiyey Gudoomiyaha cusub.

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa habeenkii Saturday 10/05/14, la’gu qabtay xaflad loo qabtay gudidii hore ee xisbiga Waddani Uk iyo gudida cusub, waxa xaflada ka soo qayib galay gudomiyi hore ee xisbiga Waddani Uk Axmed Ali Naahi ahna gudoomiya cusub ee qarada yurub iyo gudoomiya cusub ee xisbiga Waddani UK Xuseen Aadan Cade, waxaa khudbadi xaflada furay gudoomiyi hore ee UK Ahmed Nahi oo isagu ku dheraaday wixi uu qabsoomay intu xilka hayay, waxa kale oo uu u  mahad naqay dhamaan xubni hore ee xisbiga UK isaga oo ilahayina ugu baryay gudida cusub ee UK in ilaahay la garab qabto xilkan loo igmaday, waxa isaguna khudbad dheer ka jeediyay gudoomiya cusub ee UK Xuseen Aadan Cade oo isaguna sheegay in xilkan loo dhibay uu u maamuli doono si cadaalad ku jirto kuna dadaali doono inuu UK ka dhigi  hoyada Waddani ee qarada Yurub, waxaa  ka soo qayib  xildhabaan C/raxmaan Maxamed ( c/raxmaan Xoog) iyo xubno ka tirsan laamaha Uk iyo marti sharaf kale,  waxa hadal aad uu dheer ka jeediyay xaflada  C/raxmaan xoog oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in cawa goob jog uu u noqdo ka qayib galka xafladan quruxda badan ee loo samayey labada gudoomiye, waxa kale oo uu u sheegay tageerayasha xisbiga Waddani in ay u diyaar garooban sidii aay ugu qayab qadan lahayeen dorashada soo socota ee 2015, waxanu ilahay ugu baryay labada gudoomiye in xilka ilah uu fududeeyo. Waxa isna halka hadalo ka jediyay wasiirkii hore ee warshada iyo kaluumaysiga Somaliland mudane Maxamed Yaasiin, iyo Cabdale Dafle, oo uu hanbaleyey gudida cusub ee UK iyo Yurub.  Gabgabadii waxa halka laga akhriyay xubnaha cusub ee lagaga dhawaqay 23/04/14 magladaLondon oo sidana uu qornaa.

 

 

JAMHUURIYADA SOMALILAND                                                                          REPUBLIC OF SOMALILAND

      Xisbiga WADDANI                                                                                              Somaliland National party

 

 

 

 

 

Ref/XIS/WAD/XDH/140/014                                                              Date, April 23, 2014

 

KU      Gudoomiyaha  Europe ee Xisbiga WADDANI                                            = London=

KU      Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ee UK                                                   =London=

OG      Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbga WADDANI ee UK                  =London=

OG      Gudoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbga WADDANI ee UK            =London=

OG      Gudoomiyeyaasha Laamaha Xisbga WADDANI ee UK                            = London=

OG      Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI                                                    =London=

   

Ujeeddo:  Isku shaandheyn WADDANI UK

 

Marwwoyin iyo Mudanayaal,

Sidaad ka warqabtaan, Waxa dalka Ingiriis (UK) 29th March 2014 safar shaqo ku yimi wafdi uu hogaaninayo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md Cabdiraxmaan M Cabdilaahi Cirro,  xubnana ka yihiin;

1. Xil Naasir Xaaji Cali Shire

2. Xil Cabdiraxmaan M Jaamac (AW Xoog)

3. Xil Ibrahim Jaamac Cali Rayte

4. Md Axmed Xuseen Fagfagaash, Xoghayaha Maaliyadda

5. Dr.  Md Maxamed Osman Fadal, Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda.

Wafdiga oo joogay muddo 3 todobaad ah, waxay u kuur galeen hanaanka shaqo ee Guddida Xisbiga ee UK iyo Laamaha Xisbiga ee UK.

Ka dib markii wafdigu waraysi la yeeshay Guddida xisbiga ee UK, Guddidayada Laamaha Xisbiga waxa wafdiga u muuqday in la sameeyo isku shaandheyn si loo dardargeliyo hawlaha Xisbiga .

Taas darteed, waxa la sameeyey isku shaandheynta hoos ku qoran

 

I.       Guddida Fulinta ee UK

Xubnaha Guddida Fulinta ee UK waxay noqon doonaan

1. Md Xuseen Aadan Cadde Gudoomiye KMG

2. Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Amiin, Gudoomiye ku xigeenka 1aad

3. Md Keenadiid Cabdilaahi Jaamac, Gudoomiye ku xigeenka 2aad

4. Md Mahdi Jaamac Rodol, Gudoomiye ku xigeenka 3aad

5.  Md Mustafe Abdillahi Ali, Xoghayaha Guud

6. Md Khaalid Axmed Cismaan, Afhayeenka  iyo diiwaangeliyaha Xisbiga

7. Mrawo Koos Ali Madoobe , Lacag haya Xisbiga (Treasurer)

8. Gudoomiyaha Garabka Dhallinyarada

9. Gudoomiyaha Garabka Haweenka

 

Afhayeenka iyo diiwaangeliyaha xisbiga Waddani UK  

Khaalid Axmed Cismaan