XISBIYADII QARANKA SOOMALILAND OO XAALKOODII NOQDAY XAFLADO AAN MACNO BADAB LAHAYN!!

XISBIYADII QARANKA SOOMALILAND OO XAALKOODII NOQDAY XAFLADO AAN MACNO BADAB LAHAYN!!

MAQAAL

Shabiga S/land iyo saxaafadaba waxaan ku salaamayaa salaan xushmad iyo qadarin mudan.Intaa ka dib waxaan qalinka u tiigsaday markii aan arkay Xisbiyadii qaranka oo xaalkoodu noqday xaflado la isugu yeedho dumar iyo dad aan war badan hayn.Hogaamiyaasha Xisbaiyada qaranka oo tobankii sano ee u danbeeyay shacbiga qurbaha jooga ku maaweelinayay xaflado iyo wax ay ugu yeedhaan shirar aan macno badan lahayn oo ah qaabkii dhaqaale ay ugu heli lahaayeen.Dalka waxa ka jira sadex xisbi qaran oo u jeedadii loo asaasay ahayd in ay dalka iyo dalka ku hagaan siyaasad mudakar ah oo u horseeda horumar la taaban karo.

Sidaa darteed waxa ayaan daro noqotay in maanta xisbiyadii qaranku halkay iyagu is dhisi lahayeen ee ay xisbiga tayayn lahaayeen ay qurbaha wareegayaan taas oo ah shaqo cusub oo ay sameystaan dadka siyaasada dalka ku fashilmay gaar ahaan labada Gudoomiye ee xibiyada qaranka Waddani & Ucid oo ahaa saaxiibo in badan saaxada siyaasada ku jiray wadankana aan wax badan ku soo kordhin.shacbiga S/land waxa la soo daristay ayaan daro curyaaminaysa dalka iyo dadkaba ka dib markii labadii xisbi ee dalka ee mucaaridkaa ahaa ay kala hogaaminayaan labada Gudoomiye ee siyaasada ku saqiiray waa Gudoomiye Faisal iyo saaxibkii C/raxmaan Ciro.Shacbiga S/land halkii ay ku fakiri lahayeen sidii caalmka ay uga heli lahayeen ictiraaf caawimo sidii dalkooda iyo dakoodu u dhismi lahaa ayaa waxa hortaagan niman shaqo samaystay oo dano shaqsiyadeed u tafa xaytay bal ila arka Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo tahli kari waayay in uu 82 mudane xukumo ayaa leh waxaan ahay musharax u taagan jagada madaxwyne miyaanay taasi meel ka dhac ku ahayn shacbiga ninka sharcigii ilaanalin kari waayay in uu mar labaad umada lu gooyo isagoo samaysatay sharci uu Gudoomiye ku ahaanayo isagoo Gudoomiyihii golaha wakiilada ah.halka saaxiibkii faisalna aanu wali quusan iyadoo shacbiga S/land dhabarka u soo jeediyeen laba jeer walina aanu hadhin ee uu ku celcelinayo reerkaygii baan u dayacay S/land halka uu lugooyada iyo dhibta goor walba taagan uu ku hayo isagoo ah nin aan ismaqlayn oo aan is dhagaysan.waa ayaan daro in S/land siyaasiyiintoodu noqdaan hogaamiyaasha in badan ku jiray siyaasad waxna aan u kordhin.hadaba shacabow in badan baa la idin khaldee ka fiirsada ninka aad codkiina siinaysaan mustaqbalka soo socda.

Soomaaliland Allow dhawr.

Cumar Fanaan.
London