Xoogag hubeysan oo weerar culus ka geystay Gobolka Waqooyi Bari ee Wadanka Kenya

NEWS N

Xoogag ku hubeysnaa noocyada kala gedisan ee hubka, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii gudaha u galay Deegaanka Kullan, oo ku yaala Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Xoogagaan oo aan la aqoon cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa dhowr jiho ka galay Deegaanka Kullan, waxaana la arkaayay iyagoo rasaas xoogan ridaaya, markii ay gudaha u galayeen Deegaankaasi.

Ujeedada ay u weerareen Deegaanka Kullan, ayaa waxaa loo maleynayaa mid ku aadan Saldhiga Booliska, ee ay Deegaankaasi ku lee yihiin Ciidanka Booliska ee Kenya, isla-markaana waxaa jira iska horimaad ay Xoogagaan la galeen Booliska. Wararka saaka laga helaayo Deegaanada ku dhow dhow Kullan, ayaa sheegaaya in Isgaarsiintii ka jirtay hawada laga saaray, isla-markaana aan iminka laga warqabin cidda gacan ku heysa Deegaankaasi.

Laakiin markii ugu war dambeysay, ayaa waxaa habeenimadii xalay ahayd Deegaanka Kullan ku sugnaa Xoogagii hubeysnaa, ee xoogga ku galay Deegaankaasi, oo qiyaastii 45km u jirta Degmada Dhadhaab. Deegaanka Kullan waxa uu dhacaa xadka Somaliya iyo Kenya, gaar ahaan waxa uu xigaa, oo uu ku yaallaa dhinaca dalka Kenya. Ilaa hadda waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Kenya, oo la xiriira weerarkaan, iyadoo dhinaca kalana aan weli lahayn cid sheegatay Masuuliyada weerarkaasi.

Salaanmedia/Hargaysa