Xukumada Silaanyo wey bugtaa oo calanka Bristol laga taagay kamay qeyb gelin by Abdi Mustafe

MAQAAL
Wasiiro iyo wakiilo Kulmiye ka tirsan oo London jooga ayaan ka qeyb gelin xaflada Bristol calanka Somaliland lagu saarey 18 May. Taasi waxay muujineysaa in dowlada Silaanyo ka soo hor jeedo dhaq-dhaqaaqa ictiraafka siiba hadey ku tuhmaan xisbiyada mucaaradka ah. Dowladan oo ah mid uskag ah oo dad gun iyo inan gumeed miidhani gadh wadeen ka yihiin ha la iska rido kama xoog roona faqashtii e. Waa dowlad wax xun mooyaane aan wanaag ka shaqeyn. Waa xukuumad cuqdad qabta oo xaasida muwaadiniintu hadey soo qabtaan hawl dalka dan u ah. Waa dowlad bugta oo weliba caban oon caqiibo lahayn. 
Labad xisbi mucaarad Waddani iyo Ucid dalka waa u daacad oo waa kuwaa Europe iyo Australia hawlo aanay dowladu qaban karin ka soo qabtey. Waa xukuumad aan shicibka ka xishoon oon wax sharafa dadkuna u hayn. Waxay ka soo hor jeesteen markii u horeysay ee calanka Somaliland carada ingiriiska laga saarey ee ma wax wanaaga ayaa laga filayaa dowladaa.  Waa dowlad dumar iyo caruur iyo qaar aan aqoon lahayni wadaan oo Silaanyana isagu wuu gaboobay oo wax dalka ka socda iyo dibadiisaba lama socdo . Kol haday xukuumadu ka soo horjeedo hore u marka iyo dhaq-dhaqaaqa ictiraafka nolol uugumey talo gelin shicibka markaa ilaahay cimriga ha u soo gaabiyo dhamaan tood ba dadka iyo dalkuba wuu idinka reysan lahaaye
abdi_mustafe123@yahoo.ca
Abdi Mustafe