Xukuumada Silaanyo wey ka soo horjeeda gooni isu taaga Bristol baa markhaati ah by Abdi Mustafe

MAQAAL
Carada ingiriiska hadii la ogolaadey in mudo bil ah uu ka taag naado calanka Somaliland caqliga miyey gashaa in raxanta wasiirada ah iyo safiirka Somaliland UK u fadhiya iyo gudida wadooyinku in ay ka qeyb geli waayaan maalinta calanka la taagayo. Iyadoo uu horena u yidhi Safiirku Bristol baannu socdaalka ka bilaabay naa. Jawaabtu waa maya maya maya. ilaa iminkana xukuumadu kamay hadal sabab ay qaar kood uuga soo qeyb geli kari waayeen na ma jirto oon ahayn arin la isku ogyey ilaa madaxtooyada oo ah in aan laga qeyb gelin kol hadaan xukuumadu gadh wadeen ka ahayn curinta hawsha calan saarka.
Xukuumada silaanyo sida caruurta ayey xinka taqaan. Sababtu na tahay dumar iyo caruur ayaa xunkii dalka gacanta ku haya oo xin iyo maseyr hayaa.
Xukuumadu doqon niimada ha yaraysato oo shicibka ha u sheegto waxay ku diidey in ay dabaal dega calan saarka Bristol uuga qeyb geli waayeen.
Safiirka UK iyo wasiiraduba hadey in uun raga nimo ku jirto ama damiir leeyihiin ha is casilaan iyagoo qiranaya in ay qalad ahayd in aydaan calanka Bristol laga taagay u tegin.Ictiraafka aynnu raadineynaa waa nooc ma hadii dowladi diidantey wixii shicibku soo qabtay. Xukuumada Kulmiye vote fara badan bay ku waayeysaa arinkaa ay hoos uugu dhaceen oo waxay u muuqataa in talada dalku dumar iyo caruur gacanta uuga gashay. Waxa intaa dheer waxa Wasiiro iyo Wefti yaacaya Europe iyo North America waxa ku baxaya qarash aan xad lahayn hadana lacag baannu wadada Burcao iyo Eerigabo u soo ururineynaa bay leeyiin. Xukuumadu dhoohanaa qarashka baxaya ayaa ka badan ka la soo helayo. Arin kaasina waa xisaab xumo dhinaca dowlada ah oon cidi dan ka lahayn. Silaanyo wax ma kala oga ee Morgan waxaan leeyey markaad skuulka xamar kaga jirtey ba waxaad dhex fadhiisan jirtey klaas ka mida labada kalaas ee uugu liita tacliinta oo caqli iyo cilmi badan laguguma oga ee xisaabta wufuudo ku socotaa waa qalad. Amina Weris na waxaan leeyey hadaad moodey in aan shicibku fahan saneyn in Silaanyo gabow iyo xanuuno uu ka mid yahay MACAAN  ay isugu darsameen aad baa looga warqabaa. Waakaa Kelyaha ka socon kari la’ ee usha ku tukubaya een waxba ku nooleyn adna aad u diidantey in uu iska nasto oo aad London ku xanaaneyso. Amina Weris in aanay Somaliland dan ka lahayn waxa u daliila waxay danayn lahayd odeygeeda oo meel caafimaad kiisa lagu daryeelo ay geyn lahayd. Walaal keed Cali Jirde oo soo koriyeyna weynnu wada ognay in ay maxkamada Hargiesa geysey markii xisku ka lumay ee uu kursiga ku fadhiyey ( Wheel Chair ) iyadoo dhaxal kiisa maxkamada ka saxeexanaysa oo u diideysa wiil Cali  Jirde soo korsadey in uu wax ka helo.
Silaanyo umadda reer Somaliland wey saama xayaan oo xanuun ka iyo gabowga isugu darsamay dartii ayaan loo heysan silaanyo. laakiin shicibku waxay jecelyiin in ilaahay Baashe Cawil-Morgan cimriga u soo gaabiyo oo Amina Weris na aanay hurdada helin markay u baahato iyagaa dalkan hore iyo dub ba u gubay e. Hantidii dalkana wey lunsadeen gooni isu taagana wey ka soo hor jeedaan.