Xukuumadii ina Riyaale Cawil Cali Ducaale baa caqli u haa xukuumada Siilaanyo Xirsi baa u caqliya ina Cigaala isaga ayaa isu caqli ahaa!,

MAQAAL


Hogaankasta oo siyaasadeed cid baa u ah marjica uu ka soo fulo siyaasada wax lagu hago ama la odhan karo waa hogaamiyaha ruuxiga ah ee qarsoon! hadaba bal aynu isdultaagno sadexdan hogaan ee dalka Somaliland soomaray mid walba markuu xukunka hayay cida u budhtuurka ah ee aan dabadii lagaga daba dhufan!,

bal aan ku horeeyo xukuumadii ina cigaal iyo siyaasadiisii uu wax ku hogaamin jiray ilaahay haw naxariistee waxa uu siyaasada ku biiray isaga oo aad u da yar waxa uu ahaa abihii nin baayac mushtariya oo jecel inuu wiil kiisu kala wareego shaqada ganacsiga ugumuu talo gelin inuu siyaasi noqdo umana diyaarin ee waxay ahayd wax ilaahay SWT iska wato,

waxa uu ilaahay hibo u siiyay sida loo barto dhaqanka qabaa-ilka iyo reer kasta oo somaliyeed cida hogaamisa ee isu bida, wuxuu sifiican u yaqaanay maah maahaha dhaqanka iyo suugaantooda waxa uu ahaa nin hadalka kuu rabo inuu cid ku bahdilo ama ku duro aan la gaban oo hadal cad waxa uu xariif ku ahaa sida loo weeraro qofka uu markaas u arko inuu kursiga ku qabsan karo, wuxuu ahaa nin hal abuur leh oo erey bixin leh, hantidii aabihii ka dhintay inta badan wuxuu u xaraashay siduu olole siyaasadeed ugu geli lahaa,

xaga musuq maasuqa waxa uu kala sinaa madaxda somaliya laakiin wuxuu kaga bedelaa muu ahayn qof xoolo ka dhigta oo meel gaara ku urursada ee wuxuu ku ilaalin jiray xoolaha ka soo gala inta uu awooda haysto inuu ku ilaashado kursiga uu ku fadhiyo waxaanu ku kharash garan jiray hadba qofka, qabiilka uu is yidhaah waa mid ku halisa kursigaaga! waxaa xusid mudan ilaahay haw naxariistee maalintii uu is ogaaday inaanu xanuunkan haya maanta ka kacayn isaga oo yaala cisbitaal south afrika ah inuu u yeedhay gudoomiyihii  banka dhexe ee xigaas c/raxmaan ducaale IHNT iyo madaxdii la socotay markaas oo uu u sheegay laba milyan oo doolar oo markaas ku jiray khasnad madaxtooyada taalay oo uu ugu tala galay inuu ku galo ololaha xiliga doorashada ee xisbigii UDUB ee uu gudoomiyaha u ahaa in lagu wareejiyo oo uu yidhi lacagtaas halkaas taala waa hanti qaranku leeyahay ee khasnada dowlada iyo banka dhexe hala geeyo xitaa umuu sheegin xaaskiisa kaltuun oo markaas la socotay!

hadii uu rabo inuu xoolo umadu leedahay qoyskiisa iyo caruurtiisa uga tago oo ay ka hodmaan muu wareejiyeen ladadaas milyan ee doolar ee waxa uu u dardaarmi lahaa qoyskiisa halkaas waxaa kaaga cadaanaysa inaanu xoolaha u urursan jirin sidii uu ugu hodmi lahaa ee keliya wuxuu jeclaa inuu kursiga uu markaas ku fadhiyo ku ilaashado!

ilaahay haw naxariistee waxa uu haa hogaamiye aan loo yeedhin ee waxay  maskaxdiisa la noqoto uun yeela qalad iyo qumaati isagaana isu ahaa hogaamiyaha muuqda iyo ka qarsoon!,

xukuumadii daahir rayaale;

daahir rayaale muu ahayn qof siyaasada aqoon u leh oo ku waayo arag ah kursigana wuxuu fuulay  geeridii ina cigaal kadib wuxuu ahaa qof afgaaban oo aan hadal badnayn somalidu waxay tidhaah daa af xidhan waa dahab! waayo qofku haduu af gaaban yahay waxa iska yaraanaya dhacdhaciisa, waxa kale oo la yidhi aqoontaada oo gaaban waxa lagu kabaa aamusnaan! wuxuu aqoon u lahaa nabadsugida oo  uu kusoo shaqeeyay, waxa xukuumadiisa ka mid noqday oo uu wasiirka maaliyada ka dhigtay xuseen cali ducaale (cawil) nin kaas oo ahaa ruugcadaa siyaasadeed oo leh waayo aragnimo siyaasadeed oo mudo dheer safiir soo ahaa kana mid ahaa kooxdii 1960 kii isku dayday inqilaabka ee xasan kayd hogaaminayay,

somalidu waxay tidhaah daa ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow! mudane daahir rayaale wuxuu ka dhigtay marjica uu u noqdo markuu ka faalinayo siyaasada mudane cawil oo uu ku kalsoonaa una ahaa hogaamiyaha ruuxiga ah ee xukuumadiisa, inta badan xukuumada ay labadan nin isu daba fadhiyeen wax sir ah kamay soo bixi jirin awooduna gacantooda ayay ku jirtay xitaa madaxweyne kuxigeenkiisii axmed Yusuf yaasiin wax saamayn ah kumuu lahayn awooda xukuumada,

xaga musuq maasuqa wuxuu ahaa diir ooman oo aan kadhergin xoolaha umada waxa la sheegay inuu dalka iyo dibadaba ka buuxsaday xoolihii umada oo uu hargyesa,boorama, jabuuti iyo faransiisaka guryo ka dhistay oo uu ilaa hada ku nool yahay,

xukuumada siilaanyo ee talada haysa hada;

madaxweyne siilaanyo wuxuu siyaasada ku soo jiray mudo aad u dheer waxaanu soo qabtay xilal dhowr ah marka laga soo bilaabo xukuumadii siyaad bare ilaa uu kasoo gaadhay wasiirka qorshaynta, ereygaas qorshaynta isagaa baxshay oo hal abuuray markii uu wasaarada hayay, waxa uu ahaa hogaamiyihii ururkii SNM ugu mudad dheeraa intii halganku socday ee uu hogaanka SNM hayay waxa lagu dhaliilaa inuu ururka kala qaybiyay kana dhigay mid madaxdiisu laba garab u kala jaban tahay oo magaalooyinka waaweyn ee itoobiya (Ethiopia) lagu qayilo oo lagu murmo! ereyga kale ee dhaxal galka ah ee laga guntay wuxuu ahaa maalintii ladilay maxamed xaashi (Lixle) IHNT ayay BBC du warsatay markaasaa layidhi hadii mujaahid Lixle idinka dhintay maxaad yeelaysaan? wuxuu ugu jawaabay adeer SNM waa wada Lixle! waxay noqotay hadal qiimo gal ah oo dhiiri geliyay dhamaan mujaahidiintii SNM iyo shacabkii taageersanaa, 

waxay maalintaas SNM uga dhignayn  kaalintii uu abuubakar sidiiq ilaahay haka raali noqdee ku yidhi asaxaabta markii nebiga NNKH la oofsaday ee asxaabtu isku yaac yaacday intuu aayad quraan ah akhriyay hadii nebi muxamed la oofsado ma waxaad ka laabanaysaan cidibtiina iyo gaalnimo! kadibna ay xasileen ogaadeena inuu nebi muxamed NNKH uu ahaa adoon ilaahay soo diray oo la doortay uuna dhiman karo,  

dadka aqoonta u leh ee siyaasadiisa iyo maamulkiisa ka faaloodaa waxay ku xantaan nin aan go-aan qaadasho badan lahayn oo marba qof rayiga waydiiya! waxa kale oo uu can ku yahay qof ku dhega iyo qof jeclaysiga!, wuxuu ahaan lahaaba somalida ayaa tidhaahda hadii geeri ku dayn lahayd gabow ayaan ku daynayn hada waxa lasheegaa in uu xanuunsanayo oo uu yeeshay xanuunka sababa ilowshiiyaha,

wuxuu xukuumadiisa markii ugu horaysayba u cugtay wasiirka madaxtooyada  xirsi cali xaaji xasan oo ah nin aan lahayn waayo-aragnimo siyaasadeed  horena maamul dawliya u soo marin waa nin  fudud oo qof kasta oo dhaliila maamulka uu kamidka yahay u jawaaba! wuxuu noqday wasiir xirsi cawilka siilaanyo ee wax aan isaga soomarin aan la dhaqaajin! xisbi ilaa xukuumad wuu ka dhex muuqdaa nin kasta oo xukuumada laga eryo marka danbe wuxuu ka cawdaa wasiir xirsi oo uu yidhaah isaga ayaa I eryay! 

waxa layidhaah awoodii madaxweynuhu waxay gacanta u gashay waiir xirsi iyo xubno kamida qoyska madaxweynaha oo siday doonaan ka yeela,

dhinaca musuq maasuqa waa mid xadhkaha goostay oo aan laba xadidi Karin heerkiisa kaas oo ay ka faa-idaysteen kooxdaas awooda dalka maroorsatay oo raba inay xoolaha umada ka hodmaan!, xukuumada siilaanyo waxay ku can baxday siyaasad fashilan oo dibada taala waxaana u sabab ah aqoonta hogaamiyaha ruuxiga ah ee wasiir xirsi,


Aadan Axmed Nuur 

khuurshe11@hotmail.com