Xuskii 18 May ee bariga London oo reer Somaliland oo beel tidhi anagaa min qaban qaabada ilaa daadihinta cidi nagu tarrixi mayso

20

 

 

 

 

 

 

Xuskii 18 May ee bariga London oo reer Somaliland oo

beel tidhi anagaa min qaban qaabada ilaa daadihinta cidi

Tan iyo intii maamulka Somaliland gacanta u galay xisbiga kulmiye ee gadhwadeenka

ka yahay wasiir xirsi iyo cago baruurada ku xeersan oo aan aqoon maamul iyo maadi oo

badnayn lahayn hase ahaate dalka dib ugu soo celiyay (qabyaalad iyo cunsuriyad) oo

ah waxa kaliya ee ay ku wanaagsan yihin, lana wadaagaan caqliyadii dadkii ka horeeyay

intii aan rasuulka naxariis iyo nabad galyo kor kiisa ha ahaatee la soo saarin oo ku

salaysnayd ila qabiil ma tahay iyo siday u fikiri jireen ayaa manta ah garashada dalkeena

lagu maareeyo

Sida hadda reer Somaliland ugu soo muuqanaysa maalinba maalinta ka danbaysa oo ah

in dalkii galay gacan aan aamin ahayn oo kala garan la’a in xil qaran loo igmaday iyo

inuu dooyaysi ku fadhiyaan yiroowe, rumaysana la’ sidoo kale nasiibka ilaahay siiyay ee

ah maamulida dalkan iyo dadkan daacada ah ee reer Somaliland

Haddaba isagoo maamulku ka duulayo qabyaalad xukunka iyo dharginta beesha ooman

oo sidan maqaal hore ku soo sheegay il kaste oo dhaqaale gacanta loo galiyay nin ka soo

jeeda beeshan ayaa mantana xuskii 18 May tidhi ciddina na soo garab joogsan mayso.

Ka hor inta aanan u galin dulucda qoraalkan waxaa jecelahay inaan akhristayaasha

dib xasuustooda ugu celiyo in hab dhaqanka maamulkani yahay in meel kaste oo ay

madax ka yihin la haqab tiro inta ay isku beel yihiin iyo xubnahoogan tirsan ee is wada

garanaya yaraanta awgeed iyo sidoo kale haddi la waayo la siiyo cidda ay dhaleen ama

xidid ay yihiin.

1- Haddii aad ka bilawdo maamulka dalka cidda ugu saraysa waxa u ku

kooban yahay qoyska madaxtooyada iyo adeerkood (xirsi). Waa marwada

madaxwaynaha iyo wiilkay sodohda u tahay (Morgan) ama loo yaqaan xidid

ku xoolow, halka dawladii madaxwayne Rayaale lagu xaman jiray in maamulka

dalka xukumaa yihin dad ayna isku beel ahayn madaxwaynihii hore.

2- Wasaarada maaliyada oo laga wada caydhiyay ciddi aan beesha wasiirka

macdanta (waji-xun) meel ka soo wada jeediin. Waana wasiirka haatan u fidiyay

afar ay isku beel yihiin oo Sheffield degan martiqaadka dabaal degga Somaliland

maadaamay astuureen beentiisii iyo xoolihii lagu sheegayay.

3- Wasiirka duulista iyo hawada oo caado u noqotay kolba liista magac inu keen oo

ay ku xardhan yihiin tiro magac oo u adeero u yahay laguna darro wasaaradiisa

4- Maamulka tv qaranka ee Somaliland ee xaruuntiisu tahay London ayaa lagu naas

nuujiyaa tiro ay maareeyaha iyo xirsi isku dhawyihiin oo lagu tiriyo shaqaalaha

tv oo aan waligoodna ka soo xaadirin. Guud ahaan shaqalaha tvga qaranka

Somaliland ayaa 9 ay ka soo jeedan beesha xirsi iyo sidoo kale mushaar ka

qaataan halka ummadii kale ee dhamaan reer Somaliland ay ka shaqeeyaan 3 qof

oo kaliya. Waa cadadooda ee ceebtooda maaha

5- Magacii madaxwayna ku xigeenka Somaliland ayaa lagu badilay wiil yar oo aan

aqoon saxaafadeed lahayn (Muniir) balse ka shaqayn jiray makhaayad ka hor

yar intii aa maamulka kulmiye hantiyin xukunka Somaliland. Waa ayaan darro

6- Waxaa manta lagu keenay dalka UK Sooraan iyo jawaan damaanad gaadhaysa

lacag dhan 100000 oo dollar ka hor markii safaarada uk ee Ethiopia horrantii

u diiday fiisaha ilaa markii danbe xirsi lacagtii ummada uga soo saaray xoolaha

intaa leeg si ay dibada dalka ugu soo dabaal degaan . waa yaab kale

7- Guddidii maaraynta wadada ceerigaabo ee uk ayaa gabi ahaanba wax ku

kaliyaystay beesha Xirsi halka lab qof oo tarrixi jiray ay iskaga baxeen markay u

dul qaadan kari waayeen sida reeraysan ee loo wado qaadhaan ururinta iyo meel

marinteeda.

Haddaba iyadoo aan soo wadno qoraalo taxane ah oo aan kaga hortagayno

xoolahan ummadda Somaliland ee la xalaalaystay iyo maamulkan

qabyaaladaysan iyo shakhsiyaadka sida gaarka uga faa’idaysta ee dibadaha ku

wada saaqiday , ayaan jeclaa inaa ku tibaaxo maqaalkaygan in qaban qaabadii

xuska 18 May ay afduubeen xubno u soo soocay maamulka Somaliland.

Ssafiirka Somaliland u fadhiya UK oo maqaar saar ah kuna fadhiya xididnimo

oo ka mid ah meelaha sida waawayn dawladii afwayne iyo dawladan xirsi ay

iskaga mid yhiin, ayaa cid kale u diiday in ay la wadaagaan maaraynta iyo qaban

qaabada shirkan

Marka laga yimaado saddex xubnood oo kaliya ayaa todobada xubnood ee kale

ka soo wada jeedaan beesha madaxwaynaha Somaliland taas oo haba yaraate

codadka inta lagu daray maqaar ahaan waxba ka badili kareen.

Waxa intaa dheer in gudidan qaban qaabado haba yaraate iska diiday shir ay

la yeelatay saxaafada iyo tv yada af somaliga ku hadla inay siin doonaan wax

lacag ah haba yaraate , sidaa darteedna ay tv yada af somliga ku hadlayay ay

go’aansadeen inayna ka qayb galin,

Iyagoo ku andacoodaya lacagtan ka soo baxda waxa loo ururinayaa wadada

ceerigaabo ayaa haba yaraate lagu kalsoonaan Karin in lacagtani ay gaadhi

doonto ceerigaabo ama meel kale oo dalka ka mid ah.

Waxa xusid mudan in mamulkan reeraysan ka soo qayb gali waayay farxadii iyo

dabaaldagii calanka Somaliland lagu sudhayay degaanka Bristol iyadoo ay dalka

joogeen labada wasiir ee arimaha dibada iyo warfaafintu. waxaana sababta loo

aanayn in aan laga soo ogolaan madaxtooyda maadaamay cidda waday aan laga

dhex arkayn reerkii ayaanka lahaa.

Arintan oo ku dhalisay shacab wayniihii reer Somaliland inay dawaldani ayna

daacad ka ahayn ictiraaf raadiska , waxayna keensatay in meelo kala duwan lagu

kala xuso xuskii sanad guuraheena oo aan la filayn in ciddi ka soo qayb gasho

xuskan lagu qaban doono bariga London ee reerkii u ogolaan waayay in cid kale

la weheliso.

Waxa sidoo kale darran in la xuso xatta in laga diiday gudidii in la dhigo dadka

xaflada daadahaynaya cid kale oo aan beeshan ahayn, balse ahaate maamulkii

wax uu ku adkaysatay in ay daadihiyaan laba hablood oo weriye ah iskuna beel

yihiin wasiir xirsi.

Haddaba waxay tahay in dhamaan shacabka reer Somaliland ogaadaan in dalkii

u baahan yahay badbaado inta ay goori goor tahay oo aan lagu daawan hororkan

soo weeraray wixii aynu soo dhisaynay dhawr iyo labaatanka sanadood oo ahaa

sinaan, cadaalad iyo xoriyatul qawl.

 

Cumar Cali

 cumarcali74@yahoo.com