50 Qof Oo Ku Dhaawacmay Dab Maanta Ka Kacay Kaalin Shidaal Oo Ku Taalla Magaalada Laascaanood

image
Laascaanood(SM)- 50 Qof ayaa ku dhaawacmay dab maanta ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.Dadkan dhaawacmay ayaa iskugu jira shaqaalihii Kaalintaasi iyo dadkii Bakhtiinayey Dabka qabsaday goobta.

 
Dabkan ayaa ka dhashay foosto shidaalku jiray oo qarax u samaysay taasi oo keentay in ay gabi aanba basbeesho kaalintaasi.Dabkii ka dhashay foostadaasi, ayaa gaadhay guud ahaan shidaalkii kale ee halkaasi yaalay, kaasi oo dhammaantii gubtay, isla-markaana geystay khasaare ah in dhismihii kaalintu ku taalay iyo hantidii kale ee dhex taallayba.

Salaanmedia/Hargaysa