80 jir ka soo jeeda beesha Isaaq oo ay Maleeshiyada ku dileen Shabeelada hoose iyo dareenka ku xeeran.

newsflash1

80 jir ka soo jeeda beesha Isaaq oo ay Maleeshiyada Goobaale ku dileen Sh.Hoose(maxaa loo dilay?)

Oday 80 jir ah oo beer ku lahaa tuulada Busleey ayaa maleeshiyaad  ku dileen beertiisa oo ku taala agagaarka Tuulada Busley, ka hor inta aysan ciidamada Deegaanka aysan ka saarin Tuulada.

80 jirkan oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Illeeye ,kana soo jeeda Beesha Isaaq ama Maleeshiyada la sheegay in ay ka tirsanyihiin dawlada Soomaaliya ugu galeen beertiisa, kadibna ay dileen.

 

Ka hor inta aan la dilin ayaa odayga waxa uu u sheegay Maleeshiyada in uu ka soo jeedo beesha Isaaq, uusana wax lug ah ku lahayn dagaalada Sh.Hoose, uuna yahay qof deegaankaas degan 30 sano ka badan laakii maleeshiyada arxanka daran ee Goobaale ee caanka ku ah dilka birimageydada ayaa ayaa ugu jawaabay” Dir nooma kala soocna” , kadibna  odaygii inta ay xidh-xidheen  halkaas ku dilay.

Markii ay meleeshiyada Goobaale ay dilka u geysanayeen odaygaas ayaa waxaa beertiisa kula sugnaa oo hortooda lagu dilay qaar ka mid ah qoyskiisa iyo shaqaalihii beerta.

Ciidamada deegaanka ayaa ku guuleystay markii dambe in ay dagaal kaga saaraan dhamaan aagagii ay soo galeen oo ay ka mid tahay goobta ay ku taalo beerta Marxuum Ileeye.

Salaanmedia/Moqdisho

Xigasho Marka News