Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark Oo Cambaaraynaaya Xukun Qarqooshka Argagaxa Leh Ee Lagu Riday Mulkiilaha Wargayska Madaxabanaan Ee Haatuf, Isla Markaan Ku Baaqay Kacdoon Cir Iyo Dhul Ah Oo Lagaga Hortago Tacadiyada Loo Gaysanaayo Saxaafada Xorta ah.

image

 

 

 

 

 

Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark Oo Cambaaraynaaya Xukun Qarqooshka Argagaxa Leh Ee Lagu Riday Mulkiilaha Wargayska Madaxabanaan Ee Haatuf, Isla Markaan Ku Baaqay Kacdoon Cir Iyo Dhul Ah Oo Lagaga Hortago Tacadiyada Loo Gaysanaayo Saxaafada Xorta ah.

Aniga oo ku Hadlaaya Magacayga iyo Magaca Xisbiga Wadani-ba, waxa aan si adag oo aan gabasho lahayn u Cambaaraynaaya Xukun Qarqooshka Argagaxa leh ee lagu riday Masuuliyiinta Wargayska Madaxabanaan ee Haatuf. Wax loo adkaysanaayo maaha dhacdooyinka Argagaxa leh ee Xukuumada Siilaanyo ay ku waxyeelaynayso Saxaafada Xortaha iyo shacabka aan Hubaysnanyn ee dareen-kooda ku cabiraaya Qalinka iyo Warqada.
Cadaalad darida Iyo Xadhiga Sharci darada ah ee lagula fuliyey Masuuliyiinta Haatuf waa mid ay Taariikhdu ka-marakicidoonto. Ka Suxufi ahaan waxaanu leeyahay wax loo dulqaadan karaayo maaha Xadhiga iyo Xeer-kan Ciqaabta ee loo adeegsanaayo bahda Saxaafada…. Gabal baa u dumay oo god dheer ayuu ku dhacay Garsoorkii Somaliland, Maxkamadihii Qaran-kuna waxa ay nooqdeen Midi Af leh oo ay adeegsanayaan Manaxayaal ka ag dhaw Madaxtooyada oo ku shaqaysta Qabyaalad, Eex, Sadbursi iyo Xaaraan-nijaas lagu dalacy. Shacab weynaha sooma-jeesta-yaasha ah ee dalkan Somaliland u dhashay, waxaan ugu baaqayaa Kacdoon Cir iyo Dhul in ay kaga hortaagn Tacadiyadan loo gaysanaayo Saxaafada Xorta ah iyo Muwaadiniinta dalka u dhashay. Waxa Somaalidu ku maahmaahdaa (Tuba-Tu-Ku-ilow)…..Waxa daweynaha reer Somaliland wali dhegahooda ka sii guuxaaya qaabkii arxan darida ahaa ee loo laayey shacabkii reer Hargaysa ee ka mudaaharaadaayey Haraadka iyo biyo la’aantii ku habsatay, Shacabkii Reer Burco ee iyaga oo si nabad ah u mudaaharaadaaya Xabada lala dhacay, kii reer Odweyne. Maaha in Awooda iyo Habada Dawladnimo loo adeegsado qaabka sharciga iyo shareecada Islaamka midna aan waafaqsanayn. (Ninka Kibirku Shaan-shaan ka Riday waayo shaxartaan). Xagee lagu arkay Maxkamad Xeer-ka ay wax ku xukumaysaa aano waafaqsanayn Distoorkii dalka u yaalay? Xagee lagu arkay Maxkamad diiday Xeer-kii Saxaafada ee Golaha wakiilada ee Somaliland ansixiyey, isla markaan qaadatay xeer-kii Ciqaabta (Penal code) ee dalka Somalia loo sameeyey wakhti ku dhaw 1960. Xagee lagu arkay Muwaadiniin iyaga oo iska hurad hebeenkii Saqda-dhex Guryaha loogu dhacaayo oo Sas iyo Argagax Caruurta iyo Maatada lagu waxyeelaynaayo? Waxa aan Cod dheer ku leeyahay kuna baaqayaa in si deg-deg Xoriyadooda loo siiyo loona soo daayo Masuuliyiinta Wargayska Haatuf Mr.Yusuf Abdi Gaboobe Iyo Tafatirihiisa, isla markaana Xabad iyo Xadhiga laga daayo shacabka tabaalaysan ee la argagax galinaayo. Ma haboona in dadka la Gaadhsiiyo meel aan ha dhawto aan waxba laga qaban karin. (Haddii Doobe Buuxsamo in uu Daato Wow Halis).

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com