Akhriso Magacyada dhalinyaro lala xidhiidhinaayo Alqacidada Somalia oo lagu soo bandhigay Kampala.

news

Boliska dalka Uganda ayaa shaaciyey magacyadda dad lagu tuhunsan yahay inay yihiin Argagixiso, kuwaasi oo looga shaki qabo inay doonayaan inay soo galaan gudaha Uganda si ay u geystaan weeraro Argagixiso.

Afhayeenka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa sheegay inay hayaan xog ku beegan inay 9 qof yihiin kuwa looga cabsi qabo inay qaadaan weeraradaasi.

“Waaxda La-dagaalanka Argagixisadda waxay hayaan liiska magacyadda rag asalkoodu Somali yahay oo lagu tuhunsan yahay inay qorsheynayaan inay soo galaan Uganda si ay u fuliyaan weeraro Argagixiso” ayuu yidhi Afhayeenka.

Waxa uu intaasi ku daray inay feejignaantan timid kadib, markii uu iskaashi wada shaqeyn dhinaca Sirdoonka uu dhex maray Boliska Uganda iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia “NISA”

Idaacadda Uganda Police Radio ayaa baahisay magacyadda 8 qof ee uu asalkoodu yahay Soomaalida ee laga cabsi qabo inay soo galaan Uganda si ay uga fuliyaan weerar Argagixiso.

Waxay Idaacadda Boliska Uganda magacyadda dadkaasi ku kala sheegtay:-


1. Ibrahim Abdurahman Ahmed

2. Mohamed Nur Mumye

3. Abdirizak Yusuf Aden

4. Mohamed Hersi Yusufu.

5. Hussien Yusufu

6. Abdullahi Rage Omar

7. Mohamed Abdi Ali

8. Hassan Ali Liban

9. Bilal Aden Kheyre.

Xigasho: The Daily Monitor