Al Shabaab oo beenisay in 80 askari looga dilay duqeymo xagga cirka ah

image

Madaxa Gobolada Jubbooyinka ee Ururka Al Shabaab Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa wuxuu sheegay inaanu sal iyo raad toona lahayn, wararka sheegaaya in 80 askari looga dilay duqeymo xagga cirka ah.

Qoraal ay soo saartay Amisom, ayaa waxaa Isniintii shalay lagu sheegay in duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay inta u dhaxeyso Kudhaa iyo Caanoole ee Gobolka Jubbada Hoose, Shabaabka looga dilay ilaa 80 nin.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay Khamiistii duqeymo ka geysteen dhul aynaan cidina joogin, maalmihii la soo dhaafayna ay xaaladu ahayd mid caadi ah.

Laakiin dagaalkii Isniintii ka dhacay inta u dhaxeyso Degmada Badhaadhe iyo Deegaanka Kulbiyow, ayuu sheegay in uu ahaa mid lagu baaba’shay waxa uu ugu yeeray cadowga.

Mar la weydiiyay in xilligaan ku soo aadiyaan ragga la sheegay in laga dilay Shabaabka, ayuu tilmaamay in lagu qarinaayo khasaarihii Ciidanka Kenya ka soo gaaray dagaalada Isniintii.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa ku waramaaya in Amisom looga baahnaa inay iska deyso baahinta warkaasi, maadaama dadka ku dhaqan Warta Caanoole, Kudhaa, Kulbiyow, Badhaadhe iyo Jowra, ay ogyihiin waaqica dhabta ah waxa uu yahay, sida uu yiri.

Hadalkaan, ayuu Sheekh Xudeyfa ku sheegay wareysi uu siiyay Radio Alfurqaan.

Salaanmedia/Mogdisho