Al Shabaab oo ka hadashay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Gobolka Shabeellaha Hoose

image

Maamulka Ururka Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxa uu ka hadlay dagaal beeleedyada xilligaan ka soo cusboonaaday Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in Marka, Shalambood, Janaale iyo Deegaano kalaba, ay xilligaan ku wada dagaalamayaan laba beelood oo sida uu sheegay leesku diray, isla-markaana wuxuu ku sheegay wax aad iyo aad u xun.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa qaba in dagaaladaan ay shacabka Somaliyeed soo xusuusiyeen 1992-kii, 1993-kii iyo xilligii hogaamiye kooxeedyadii, oo ficilo aad iyo aad u xun ay dhaceen, sida uu yiri.

Waaliga, ayaa wuxuu dagaaladaan uu ku eedeeyay mid ay ka dambeyso Amisom, wuxuuna ku sheegay mid ka turjumeysa dimuqraadiyadii uu Caalamka la doonaayay sida uu yiri Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayuu si adag ugu dhaliilay in ay hubeynayaan beelaha, si ay ugu wada dagaalamaan, ha yeeshee ay shacabku arkayaan dimuqraadiyada ay wado buu yiri Amisom.

Xilli Amisom ay fariisimaha ugu weyn ku lee dahay Deegaanka Shalambood, ayuu hadana sheegay inay ku dhinac dagaalamayaan beelihii walaalaha ahaa, ee Gobolka Shabeellaha Hoose wada degganaa.

Wuxuu soo hadalqaaday kolkii Shabaabku jooggeen goobaha ay xilligaan ka soconayaan dagaal beeleedyada, inaanay ka jirin wax dagaalo ah, shacabka oo ahaa dad walaalo, oo hadana nabad ku wada degnaa.

Salaanmedia/Mogdisho