Amisom oo sheegatay inay Duqeyn dhanka Cirka ah ku dishay 80-Al-Shabaab ah

image

Amisom ayaa waxa ay sheegatay inay Duqeyn dhanka cirka ah ay ku dishay Dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa Gobalka Jubbadda Hoose, kadib Duqeyn ay ku garaaceen halkaasi.

Warqoraal ah oo kasoo baxay Amisom, ayaa lagu sheegay in Duqeyntaasi ay ka dhacday Deeganada Kudhaa iyo Caanoole oo kawada tirsan Gobalka Jubbadda hoose, halkaasina lagu dilay ciidamo Shabaabka ka tirsan, sida ay sheegteen Amisom.

Duqeynta ka dhacday deegaanka Caanoole ayay Amisom waxay ku sheegtay inay ku dishay 30 kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab, saddex gaadiidka dagaalka iyo hal gaari nooca loo yaqaan Land Cruiser oo rasaas ay ku jireen.

Amisom ayaa sidoo kale duqeynta ka dhacday deegaanka Kudhaa waxay ku sheegeen inay ku dileen inka badan 50 ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Amisom.

Amisom way sii wadeysaa cadaadinta Alshabaab si ay kaga xoreeyaan meelaha ay ka howlgalaan, sidaasi waxaa yiri Maxamed Saalah Annadif Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamada Kenya ay geysteen duqeyntaasi.

“Waxaan halkaan u joognaa inaan la shaqeyno ciidamada dowlada si nolol wanaagsan ay u heleen Soomaalida”intaasi ayuu kusii daray Maxamed Salax Annadif.

Amisom ayaa sheegtay inay sii wadeyso dagaalka ay kula jiraan ciidamada Alshabaab ee k sugan dalka Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho